Home Wararka Caalamka Madaxweyneyaasha Masar iyo Mareykanka oo si wadajir ah u shir guddoominaya shir caalami ah

Madaxweyneyaasha Masar iyo Mareykanka oo si wadajir ah u shir guddoominaya shir caalami ah

by Laacib

Dowladda Masar ayaa Isniinta martigelin doonta shir madaxeed caalami ah oo ku saabsan xabad joojinta Gaza, iyadoo shirkani uu ka soo qaybgeli doono Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Madaxtooyada Masar ayaa sheegtay in shirka uu ka qabsoomi doono Magaalada Sharm El-Sheikh, isla-markaana ay si wadajir ah u shir guddoomin doonaan Madaxweyne Abdel Fattah El Sisi iyo dhiggiisa Mareykanka.

Dowladda Masar ayaa waxay sheegtay in shir madaxeedkan diiradda lagu saari doono nabadeynta Marinka Gaza iyo weliba Bariga Dhexe.

In ka badan labaatan hoggaamiye ayaa ka qaybgeli doona shirka, oo ay ku jiraan Hoggaamiyeyaasha Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Spain, Turkiga, Indonesia, Pakistan, Gudoomiyaha Golaha Midowga Yurub, Antonio Costa iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres.

Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka oo taageeray qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee lagu soo afjarayo colaadda Gaza ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la fuliyo qorshaha nabadda ee gobolka, oo ay xudun u tahay in la dhameeyo dagaalka labada sano ka socday Gaza.

Hoggaamiyeyaal badan oo ay ku jiraan kuwa Bariga Dhexe ayaa ku biiri doona madaxda kale ee ka qaybgelaya munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska Gaza.

Madaxweyne Trump oo ka soo shaqeeyay heshiiska xabad joojinta Gaza ayaa subaxnimada Isniinta gaari doona Israel, isagoo la kulmi doona qoysaska maxaabiista Israeliyiinta, ka dibna wuxuu khudbad ka jeedin doonnaa Aqalka Knesset-ka ee Baarlamaanka Israel, sida ku cad jadwal uu soo saaray Aqalka Cad.

Trump ayaa markaasi ka dib u sii gudbi doona dhinaca Masar, si isaga iyo dhiggiisa dalkaasi ay si wadajir ah u shir guddoomiyaan shirka nabadda, oo ay ka soo qaybgelayaan hoggaamiyeyaasha gobolka iyo kuwa caalamka qaarkood.

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha gobolka ee shirka lagu soo martiqaaday ayay Wakaaladda Wararka Tasnim ee dalkaasi laga leeyahay ay sheegtay in Madaxweyne Pezeshkian aanu ka qaybgeli doonin shirkaasi, laakiin dowladda ayaan weli si rasmi ah u xaqiijin warkaasi.

Ma cadda in Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu ka qaybgelayo shirkaasi iyo in kale.

Israel iyo Xamaas ayay tahay in Isniinta ay sii daayaan dhammaan maxaabiista la qorsheeyay in lagu sii daayo wejiga koowaad ee hindisaha Trump ee dhabaha u xaaraya in la soo afjaro colaadda Gaza.

Xukuumadda Qaahira waxay sheegtay shirka nabadda ee Sharm El-Sheikh looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka Gaza, kor u qaadidda dadaalada nabadda & xasilloonida Bariga Dhexe iyo in la abuuro weji cusub oo amniga iyo xasilloonida gobolka ah.

Xabad joojin ayaa Jimcihii ka dhaqangashay Marinka Gaza, taas oo loo arko in xasillooni iyo deganaansho ay u horseedeyso gobolka iyo weliba dunida, inkastoo weli ay jiraan arrimo u baahan in xal loo helo, sida dhismaha Dowladnimada Falastiin, si Falastiiniyiintu ay u yeeshaan dal madaxbannaan, si iyaga iyo Israeliyiinta ay nabad ugu wada noolaadaan gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc