Home Wararka Caalamka Erdogan oo sheegay in Turkigu uu ka shaqeynayo xaqiijinta heshiiska Israel iyo Xamaas

Erdogan oo sheegay in Turkigu uu ka shaqeynayo xaqiijinta heshiiska Israel iyo Xamaas

by Laacib

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay si mug leh uga shaqeynayso, sidii loo xaqiijin lahaa in heshiiskii ay 9-kii bishan gaareen Xamaas iyo Israel uu u noqon lahaa mid joogta ah, isla-markaana u gogol xaara nabad waarta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Turkigu uu wado dadaalo xoogan, oo ku aaddan in laga fogaado wax kasta oo caqabad ku noqon kara qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee waddada u furaya in la soo afjaro colaadda Israel & Xamaas iyo in la gaaro xalka nabad waarta.

Madaxweynaha ayaa Jimcahan sheegay in Gaza ay si degdeg ah ugu baahan tahay inay ka bogsooto dhibkii soo gaaray iyo inay dib u dhisanto, isaga oo intaasi ku daray in doorka Turkigu uu yahay in la hubiyo in heshiiska hadda jira ee u dhaxeeya Xamaas iyo Israel uu gacan ka gaysto xalka nabad waarta.

“Sababtoo ah diiwaanka xun ee Israel awgiis, waxaan ka digtoonahay sida Gaza ay si degdeg ah ugu baahan tahay inay bogsato oo dib u dhisanto.” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo intaa raaciyay inaysan ka tagi karin dib u soo kabashada Gaza.

Madaxweyne Erdogan oo khudbad ka jeedinayay Madasha 5aad ee Ganacsiga & Dhaqaalaha ee Turkiga iyo Afrika ayaa muujiyay inaysan meel dhexe uga tagi doonin juhdiga ay ku bixinayaan in la dhameeyo colaadda Gaza.

Turkiga, Qatar iyo Masar oo Mareykanka uu taageerayo ayaa gacan weyn ka gaystay heshiiska xabad joojinta Gaza ee ay Israel iyo Xamaas ku saxiixeen Magaalada Sharm El-Sheikh.

Madaxweyne Trump iyo Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El Sisi oo Isniintii shir guddoomiyay shir lagu taageerayo xabad joojinta Gaza iyo nabadda Bariga Dhexe ayuu Trump uu saddexdan dal ku amaanay dadaalka ay ku bixiyeen in la xaqiijiyo xabad joojinta 10-kii bishan ka dhaqangashay Marinka Gaza.

Trump, Sisi, Erdogan iyo Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani ayaa saxiixay heshiiska Xamaas iyo Israel ee horseedaya in la soo afjaro dagaalka Gaza.

Trump ayaa shirkaasi kaga dhawaaqay in uu dhammaaday dagaalkii Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc