Home Wararka Caalamka Volker Türk oo ku baaqay isla xisaabtan ku aaddan dembiyada ka dhacay Gaza

Volker Türk oo ku baaqay isla xisaabtan ku aaddan dembiyada ka dhacay Gaza

by Laacib

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa sheegay in loo baahan yahay in cidi ay yeelato masuuliyadda dembiyada dagaal ee ka dhacay Marinka Gaza, xilli lagu heshiiyay in xabad joojin laga sameeyo Gaza.

Israel iyo Xamaas ayaa 9-kii bishan saxiixay qorshe 20 qodob ka kooban oo Madaxweyne Donald Trump uu soo bandhigay 29-kii bishii September, kaas oo lagu soo afjarayo dagaalka labada sano ka socday Gaza.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa marka hore dalalka ka shaqeeyay hirgelinta xabad joojinta Gaza ugu baaqay in ay xaqiijiyaan, isla-markaana ay hubiyaan in xabad joojintu ay noqoto mid ka tarjumeysa nabad waarta.

Muuqaal uu soo duubay ayuu ku sheegay in dembiyo xun xun oo ka dhan ah bani’aadantinimada ay ka dhaceen qaybaha Gaza, isla-markaana loo baahan yahay isla xisaabtan dhab ah.

“Asalkaba xuquuqda aadanaha waxay ku saabsan tahay sharafta aadanaha, sidoo kalena waxay ilaalinteedu ku saabsan tahay isla xisaabtanka xadgudubyada ba’an ee ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.” Ayuu yiri Volker Türk.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan u baahanahay in isla xisaabtan laga sameeyo dembiyada labadii sano ee la soo dhaafay ka dhacay Gaza.”

Sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada ayaa ilaalinaya nolosha dadka rayidka ah, sharafkooda iyo hantidooda, waxaana Israel lagu eedeeyay in dembiyo baahsan oo ka dhan ah bani’aadantinimada ay ka gaysatay Marinka Gaza.

Maxkamadda ICC ayaa 21-kii bishii November ee sanadkii 2024 soo saartay waaran lagu soo xirayo Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca, Yoav Gallant oo loo haysto dembiyo ka dhan ah bani’aadantinimada oo Israel ay ka gaysatay Gaza.

Dalal uu Mareykanku ka mid yahay ayaa si adag uga horyimid go’aanka ICC ee lagu soo xirayo Siyaasiyiinta Israel.

Volker Türk, Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa sheegay inaanan xalka la gaari doonin, haddii aan loo hoggaansami shuruucda caalamiga ah, isla xisaabtankuna uu yahay nolosha dawadeeda.

Mr. Türk ayaa intaasi ku daray in shacabka Falastiin ay xaq u leeyihiin in la ixtiraamo xaqa sharci ee ay u leeyihiin aaya ka tashigooda iyo inay yeeshaan dal madaxbannaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc