Home Wararka Caalamka Mareykanka oo digniin adag ka soo saaray weerar uu sheegay inay Xamaas ku jebineyso heshiiska

Mareykanka oo digniin adag ka soo saaray weerar uu sheegay inay Xamaas ku jebineyso heshiiska

by Laacib

Mareykanka ayaa ka digay suurtagalnimada in Xamaas ay qaadi karto weerar ka dhan ah Falastiiniyiinta Gaza, isla-markaana ay ku jebineyso heshiiska xabad joojinta ee u dhaxeeya iyaga iyo Israel.

“Mareykanka ayaa helay warbixino lagu kalsoonaan karo oo ku aaddan in Xamaas ay si dhow ugu xadgudbi karto xabad joojinta Gaza ee kala dhaxeysa Israel.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Warka ayaa lagu sheegay in Washington ay dhinacyada dhexdhexaadiyeyaasha ee horey u damaanad qaaday in Xamaas aysan dhinaceeda jebin doonin xabad joojinta ku wargelisay in xoogageeda ay weerar ku qaadi karaan Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza.

Warka ayaa intaasi ku daray in weerarku uu xadgudub toos ah ku yahay heshiiska, sidaasi daraadeedna ay tahay in la xakameeyo Xamaas.

“Weerarkan la qorsheeyay ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee Falastiin waxa uu noqon doonnaa xadgudub toos ah oo weyn oo lagu sameeyay heshiiskii xabbad joojinta, waxaana uu wiiqi doonnaa horumarka mugga leh ee lagu gaaray dadaalada dhexdhexaadinta.” Ayaa lagu yiri warka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

“Damaanad qaadayaashu waxay dalbanayaan inay Xamaas ilaaliso waajibaadkeeda ka saaran heshiiska, si waafaqsan shuruudaha xabad joojinta.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa intaasi ku daray in la qaadi doono tallaabooyin lagu ilaalinayo dadka reer Gaza, laguna xaqiijinayo xabad joojinta, haddii Xamaas ay weerarto dadka rayidka ah.

“Haddii Xamaas ay gaysato weerarkan, waxaa la qaadi doonnaa tallaabooyin lagu ilaalinayo dadka Gaza, si daacadnimo lehna loogu ilaalinayo xabad joojinta.” Ayaa lagu yiri warka.

Mareykanka ayaa sheegay in iyaga iyo dalalka kale ee dhexdhexaadiyeyaasha ay ka go’an tahay xaqiijinta ammaanka shacabka, ilaalinta xasilloonida dhulka, horumarinta nabadda & barwaaqada dadka Gaza iyo gobolka oo dhan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaan wax tafaasiil ah ka bixin, waxa ay yihiin dadka rayidka ah ee ay Xamaas qorsheynayso inay leyso iyo ilaha laga soo xigtay warbixinada ay sheegtay in lagu kalsoon yahay.

Xoogaga Xamaas ayaa dhammaadkii toddobaadkii hore toogtay kooxo hubeysan oo gacan saar la lahaa Israel, isla-markaana dhibaato ku hayay dadka reer Gaza. Shacabka ayaa falcelintooda ku muujiyay, sida ay ugu faraxsan yihiin in la dilo kooxaha ay Israel bari-taarto, isla-markaana ay hubeyso.

Mareykanka oo ah dalka ugu weyn ee ballanqaaday in uu ilaalin doono heshiiska xabad joojinta Gaza ayaa wax tallaabo ah ka qaadin Ciidamada Israel, kuwaas oo ku xadgudbay heshiiskan, ka dib markii ay weeraro kala dambeeyay ku dileen tobanaan qof oo dad rayid ah.

Jimcihii oo ugu dambeysay, Ciidamada Israel ayaa 11 qof oo isku qoys ahaa ku dilay Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza. Toddobo ka mid ah dhibaneyaasha ayaana carruur ahaa.

Xamaas ayaa Sabtidii Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku eedeysay in habdhaqankeedu uu xadgudub cad ku yahay heshiiska.

Ururka Xamaas ayaa sidoo kale ka digay is hortaagga ay Israel ku hayso gargaarka bani’aadantinimada iyo qalabka nadiifinta burburka ee la doonayo in ay ka soo gudbaan Isgoyska Rafah ee ku yaala xuduudda Marinka Gaza iyo Masar.

Xamaas ayaa dalalka Masar, Qatar iyo Turkiga ugu baaqday inay dabagal ku sameeyaan dhaqangelinta qodobada ka dhiman heshiiska.

Xamaas ayaan weli ka hadlin eedeyntan xalay uga timid Maamulka Madaxweyne Donald Trump.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc