Xukuumadda Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa hal tallaabo dib uga degtay qorshaha ay riixayaan xisbiyada midigta fog ee lagu qarameynayo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu Israel uga digay inay lumin doonto taageerada Mareykanka, haddii ay u dhaqaaqdo inay Daanta Galbeed ku darsato dhulkeeda.
Xildhibaanada Aqalka Knesset-ka ee Baarlamaanka Israel ayaa Arbacadii ansixiyay hindise lagu qarameynayo Daanta Galbeed, inkastoo uu weli yahay mid qabyo ah, isla-markaana u baahan in uu ka gudbo saddex akhrin dheeraad ah, si uu sharci u noqdo.
Sharciyeynta Daanta Galbeed ayaa ka hor imaneysa qorshaha Madaxweyne Trump ee lagu dhameynayo colaadda Gaza iyo in ka dib la bilaabo wada hadal lagu xaqiijinayo xalka laba dal, oo Israeliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay leeyihiin. Daanta Galbeed waxay ka mid tahay meelaha la qorsheynayo in mustaqbalka laga dhiso Dowladda Falastiin.
Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu ayaa markii dambe codbixinta ku sheegay daandaansi siyaasadeed, oo looga dan lahaa in lagu abuuro khilaaf siyaasadeed, iyadoo Xildhibaanada Mucaaradka ee Baarlamaanka Israel ka tirsan ay taageerayaan xisbiyada wax ka soo dhisay dowladda wadaagga ah.
Codeynta ayaa timid, xilli Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka, JD Vance uu booqasho ku joogay Israel. Madaxweyne Kuxigeenka ayaana Khamiistii sheegay in Madaxweyne Trump uu ka soo horjeedo ku darsashada Daanta Galbeed, mana dhici doonto buu yiri inay taas dhacdo.
“Haddii ay ahayd arrin siyaasadeed, waa doqonimo aad u foolxun, aniguna shakhsi ahaan waxaan u qaatay xoogaa aflagaaddo ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka, xilli uu Israel u tegay, si uu u riixo in la guda galo wada-xaajoodka wejiyada xiga ee qorshaha Trump ee lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, dhanka kalena taageeraya in is faham lagu gaaro xalka labada dowladood ee Falastiin iyo Israel.
Vance oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee Magaalada Tel Aviv, mar uu soo geba-gabeynayay booqashadii uu Talaadadii ku tegay Israel ayaa hadalkan jeediyay, ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio uu ka digay tallaabooyinka loo qaadayo dhul ballaarsiga Israel, bacdamaa ay halis gelinayaan qorshaha Trump ee lagu soo afjarayo dagaalka Israel iyo Xamaas, kaas oo illaa iyo hadda laga gaaray xabad joojin aan cago badan ku taagneyn.
Xafiiska Netanyahu ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Xildhibaanada Xisbiga Likud ee Raysal Wasaaraha uu hoggaamiyo aysan ka qayb qaadan codeyntan, isku dayada lagu doonayo in lagu sharciyeeyo qaadashada Daanta Galbeed-na aysan meelna gaari doonin.
Warka ayaa intaasi ku daray in Xildhibaanada Likud la’aantood aan la dabaqi karin hindise sharciyeedyada la doonayo in sharciga loo bedelo.
Inkastoo dowladda uu Netanyahu hoggaamiyo ay ku tiirsan tahay taageerada axsaabta midigta fog ee wax ka soo dhisay dowladdiisa, haddana dowladdu ayay tahay in ay meelmariso dhammaan xeerarka uu Baarlamaanku ansixiyo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa mucaaradka uga digay in ay iska horkeenaan Israel iyo Mareykanka.
Wasiir Sa’ar ayaan waxba ka oran Wasiirada Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo Maaliyadda Bezalel Smotrich, maadaama ay xisbiyadoodu yihiin kuwa riixaya in la qaato Daanta Galbeed.
Ben-Gvir iyo Smotrich oo ah xubnaha ugu xagjirsan ee Golaha Wasiirada Israel ayaa xisbiyada mayalka adag ku metela dowladda.
Labadan Wasiir ayaa u ololeeya in la sii wado dagaalka Gaza iyo deegaameynta sharci darrada ah ee Israeliyiinta looga sameynayo Daanta Galbeed.
Wasiiradan ayaa ku hanjaba in xisbiyada ay hoggaamiyaan ay ka bixi doonaan dowladda, haddii aan rabitaankooda la tixgelin. Ka bixistooda ayaa keeneysa in dowlddu ay burburto, dalkana laga qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.
Smotrich ayaa madax ka ah Xisbiga National Union–Tkuma, halka Ben-Gvir uu yahay Hoggaamiyaha Xisbiga Otzma Yehudit, waana labada xisbi ay ku xiran tahay jiritaanka dowladda uu Netanyahu madaxda ka yahay.