Home Wararka Caalamka Wasiirka Difaaca Israel oo ku hanjabay in ay si xun u garaaci doonaan Xamaas

Wasiirka Difaaca Israel oo ku hanjabay in ay si xun u garaaci doonaan Xamaas

by Laacib

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa ku hanjabay in Xamaas ay la kulmi doonto dharbaaxo kulul, taas oo jawaab u ah sida uu yiri weerar ay dagaal-yahanadeeda ku soo qaadeen Ciidamada Israel.

Wasiirka ayaa caawa Xoogaga Xamaas ku eedeeyay inay Ciidamada Israel ku weerareen goobihii horey loogu heshiiyay inay kaga sii sugnaadaan Marinka Gaza.

Wasiirka ayaa weerarkaasi ku sheegay khad cas oo Xamaas ay ka gudubtay, isla-markaana ay ciidamadu ka bixin doonaan sida uu yiri jawaab xoog badan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Xamaas ay cawaaqib kala kulmi doonto xadgudub uu sheegay inay ku sameysay heshiiskii dib loogu soo celinayay lafaha maxaabiistii Israeliyiinta ee dhimatay.

“Xamaas waxay qiimo culus ku bixin doontaa weerarka ay ku qaadday ciidamadayada ku sugan Gaza iyo jebinta heshiiskii lagu soo celinayay meydadka la haysteyaasha.” Ayuu yiri Wasiir Katz oo warkan ku sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa Taliska Militariga ku amray in si degdeg ah loo bilaabo duqaymo xoogan oo ka dhan ah Gaza, ka gadaal markii uu Xamaas ku eedeeyay ay si cad ugu xadgudubtay heshiiskii xabad joojinta Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa Talaadadan sheegay in Xamaas ay Isniintii soo gudbisay sanduuq uu ku jiro lafaha muwaadin aan Israeli ahayn, tanina ay jebineyso sida uu sheegay heshiiskii lagu joojinayay dagaalka Gaza iyo is dhaafsiga maxaabiista ee iyaga iyo Xamaas.

Heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ayaa waxaa qayb ka ah in Xamaas ay wareejiso lafaha dhammaan 28-ka maxbuus ee ay horey Israel u sheegtay in ay dhinteen, isla-markaana ay ku jiraan gacanta Xamaas.

Xamaas waxay sheegtay inay ka go’an tahay inay soo celiso lafaha dadkaasi, ha yeeshee ay waqti u baahan tahay, si ay uga soo saarto burburka dhismayaasha oo ay ku hoos jiraan.

Israel ayaa toddobaadkii hore Mareykanka ku gacan seyrtay in la bilaabo wada-xaajoodka wejiyada xiga ee qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, iyadoona ku xirtay shuruudda ah in Xamaas ay soo dhameystirto lafaha ama meydadka ee maxaabiista harsan.

Khubaro Masaari ah oo wata cagaf-cagafyo ayaa dhammaadkii isbuuca tegay Marinka Gaza, si ay gacan uga gaystaan hawlgalka Xamaas ee lagu baadigoobayo lafaha dadkaasi.

Israel waxay sheegtay in Xamaas ay illaa iyo hadda soo celisay lafaha 15 qof, tiradaas oo ka yar tan ay Xamaas xisaabsaneyso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc