Qoyska Samiira Cabdikariin oo Arbacadii lagu kufsaday miyiga Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag ayaa Dowlad Goboleedka Puntland ka codsaday caddaalad, xilli Booliska Puntland ay gacanta ku hayaan baaritaanka kiiskaasi.
Gabadhan ayaa la sheegay in kufsiga ka dib si xun loo jirdilay, raggii falkaasi u gaystayna ay meyd ahaan uga taggeen. Gabadha oo koomo ku jirta ayaa tan iyo Khamiistii xaaladdeeda lagu la tacaalaya Isbitaalka Qaran ee Magaalada Garoowe.
Ciidamada ayaa saddex nin u soo xiray falkan, sida uu sheegay Taliyaha Saldhigga Boolska Xingalool, Axmed Maxamed Warsame oo tilmaamay in baaritaanka socdaa ka dib ay raggaasi horgayn doonaan maxkamadda awoodda u leh kiiskooda, si ay caddaaladda u wajahaan.
Khadra Maxamuud Jaamac oo ah hooyada dhashay Samiira Cabdikariin ayaa sheegtay in gabadheeda ay u dhaxeyso nolol iyo geeri, taasna ay ka dambeysay xadgudubka foosha xun ee loo gaystay.
Khadra Maxamuud ayaa Madaxda Puntland ka codsatay caddaalad, si loo ciqaabo kuwii ka masuulka ahaa falka ay maanta dhibanaha u tahay gabadheeda.
Hooyadan ayaa saxday wararka sheegaya in Samiira Cabdikariin ay 8 jir tahay, iyadoona da’deeda ku sheegtay 10 jir.
Dhanka kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dadka reer Puntland ugu baaqay in sare loo qaado ahmiyadda ay siinayaan in la ilaaliyo sharafta hablaha, si looga difaaco kuwa doonaya in ay tacaddiga u gaystaan.
“Sharafta gabdhaheenna ayay ku jirtaa sharafteenna. Marka waa in sharafta gabdhaha aad loo dhowro oo kor loo qaado. Diinta iyo xeerarka Puntlandba runtii meel fiican ayay gaarsiiyeen.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo xalay Garoowe kaga qaybgalay kulan lagu xoojinayay wada-shaqaynta booliska iyo shacabka.
Madaxweyne Deni ayaa odayaasha beelaha ku dhaliilay in ay waan waan amaba qaab sulux ah ku dhameeyaan kiisaska kufsiga, bedelkii ay ahayd in la ciqaabo shakhsiyaadka dhibaateeya gabdhaha, tanina ay dhiirigeliso inay kufsiga sii wadaan.
“Waxaad mooddaa in wax u baahan ciqaab in lagu dhameeyo mararka qaarkood sulux oo wiilashiina ay sii caadeystaan inay fal dembiyeedyadii sii wadaan.” Ayuu yiri Deni.
Deni ayaa qiray in kufsigu uu ku soo badanayo deegaanada Puntland, isagoona odayaasha qabaa’ilada iyo maxkamadaha ku booriyay in la adkeeyo ciqaabta kiisaska kufsiga, si ay dhallinyarada uga waan-toobaan.
“Waxaan ku talin lahaa dhallinyarada si ay uga waan-toobaan waxaan way soo bateen, qaasatan kufsiga in ciqaabtooda la adkeeyo ayaan codsan lahaa dhinac walba, dhinac dhaqan iyo dhinaca kaleba.” Ayuu yiri Deni.
Kufsigan ugu dambeeyay ee 29-kii bishii October ka dhacay deegaanka Hiiley oo hoostaga Degmada Xingalool ayaa lagu sheegay wax ugub ku ah bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag.