Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ayaa ku guuleystay inay soo samatabixiyaan dhammaanba 24-ka shaqaale ee la socday markabkii shidaalka waday ee Khamiistii lagu weeraray xeebaha Somaliya.
Ciidamada Midowga Yurub ee Hawlgalka Atalanta, oo ah hawlgal lagu la dagaalamo kooxaha burcad badeedda ee Geeska Afrika ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii gaaray markabkan oo lagu magacaabo Hellas Aphrodite.
Kooxo hubeysan ayaa markabka ku weeraray meel 560 nautical miles dhanka koonfur bari uga toosan Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal. Kooxahan ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen markabka, isla-markaana ay ku dhufteen gantaalka garabka laga tuuro ee baasuukaha, ka hor inta aysan kor u fuulin, isla-markaana aysan la wareegin kontoroolka markabkaasi.
Markabka dagaalka ee ESPS Victoria oo Ciidamada Spain ay leeyihiin, kana hoos shaqeeya Hawlgalka Midowga Yurub ee Atalanta ayaa gaaray markabka, iyadoona ay ciidamadu fuuleen. Waxay la kulmeen dhammaan shaqaalihii la socday oo badqaba, kuwaas oo isku soo xiray qolka badbaadada ee markabka, ka dib markii la soo weeraray.
Hawlgalka Atalanta ayaa sheegay in kooxaha burcad badeedda ay isaga taggeen markabka, ka hor inta aanu markabka dagaalku soo gaarin goobta.
Hawlgalka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ciidamadu ay muujiyeen awood, taasoo keentay in kooxahaasi ay ka deggaan markabka.
“Shaqaalaha markabku way badqabaan, mana jirto wax dhaawac ah oo soo gaaray, intii uu shilku socday. Waxay galeen qaybta dhufeyska, iyagoona si toos ah ula soo xiriiray Atalanta.” Ayaa lagu yiri warka.
Hawlgalka Midowga Yurub ee Atalanta ayaa ka digay in weli ay khatar ka jirto aagga, haddii aysan ka fogeyn kooxaha burcad badeedda.
Wararka ayaa sheegaya in Jimcihii doon yar oo nooca dheereeya ah ay ku soo dhawaatay markab kale oo meesha marayay, kaas oo ay u suurtagashay in uu ka baxsado.
Markabka Hellas Aphrodite ayaa shidaalkii uu siday ka soo qaaday dalka India, isla-markaana uu u waday dalkaasi Koonfur Afrika.
Markabkan ayaa watay Calanka Malta, inkastoo ay leedahay Shirkadda Maraakiibta Giriiga ee Latsco Marine Management.
