Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ayaa gelbiyay markabka ganacsiga ee Hellas Aphrodite, ka dib markii lagu weeraray xeebaha Somaliya.
Markabka dagaalka ee ESPS Victoria oo Ciidamada Spain ay leeyihiin, kana hoos shaqeeya Hawlgalka Midowga Yurub ee Atalanta ayaa Jimcihii ku guuleystay in la soo samatabixiyo markabka iyo 24 shaqaale oo la socday, ka gadaal markii kooxaha burcad badeedda Soomaalida ay Khamiistii la wareegeen kontoroolka markabkaasi.
Hawlgalka Atalanta ayaa ah hawlgal gaar ah oo Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ay kula dagaalamaan kooxaha burcad badeedda ee Geeska Afrika.
Ma jirto wax waxyeelo ah oo shaqaalaha markabka ka soo gaartay weerarkaasi, inkastoo kooxaha burcad badeedda ay rasaas ku fureen, isla-markaana ay la dhaceen gantaalka garabka laga tuuro ee sabanka ama RPG, ka hor inta aysan xoog ku fuulin markabkaasi, sida ay sheegtay Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO).
Hay’adda Caalamiga ah Badbaadada Maraakiibta ee Diaplous ayaa sheegtay in shaqaaluhu ay isugu taggeen qolka ammaanka ee markabka.
Kooxaha burcad badeedda ayaa waxaa la sheegay inay isaga taggeen markabka, ka hor inta aanu markabka dagaalku soo gaarin goobta.
Hawlgalka Atalanta ayaa Sabtidan sheegay in markabka booyadda shidaalka ee Hellas Aphrodite uu bilaabay inuu safarkiisa sii wato, iyadoo ay ciidamadu ilaalinayaan.
Markabkan oo shidaal ka soo qaaday dalka India ayuu safarkiisu ku wajahan yahay dalka Koonfur Afrika.
Taliska Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ayaa ku celiyay digniintooda ah in ay weli sarreyso khatarta ka jirta goobta, isla-markaana uu socdo hawlgal wadajir ah oo lagaga hortagayo doomaha yaryar ee loo adeegsanayo weerarada maraakiibta.
Markabka booyadda ee laga badbaadiyay kooxaha burcad badeedda ayaa watay Calanka Malta, walow laga leeyahay dalkaasi Giriiga.
