Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay maanta sameeyeen gadood ay shaqo joojin ku sameynayaan, iyagoo markaasi ka cabanaya in xuquuqdooda ay duudsiineyso Shirkadda FAVORI ee maamusha garoonkaasi.
Shaqaalahan ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee garoonka, iyagoo markaasi la safan qaar ka mid ah shaqaalaha oo shirkaddaasi ay u sheegtay inaanan loo baahneyn. Shaqaalaha ayaa Talaadadan diiday inay qabtaan shaqooyinkii maalinlaha ay garoonkaasi ka hayeen.
Cali Maxamed oo ka mid ah Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ee shaqo joojinta sameeyay ayaa sheegay in gadoodkoodan uu daba socdo, iyagoo muddo dheer cabasho ka ahaa Shirkadda FAVORI, isla-markaana ay ka waayeen xuquuqdii ay ku lahaayeen.
Cali Maxamed ayaa Maamulka Shirkadda FAVORI ku eedeeyay in haddii uu maalin mid ka mid ah shaqaalaha uu xaalad caafimaad uga maqnaado shaqada, isla-markaana uu la yimaado warqadda caddaynta ee inuu xanuunsanaa aysan tixgelin xaaladdiisa gaarka ah, isla-markaana ay ka jaraan qayb ka mid ah mushaarkii uu ku shaqeynayay.
“Muddo ku dhawaad 10 sano ayay arrintan soo socotay. Marka ciladda jirtaa waxay tahay annaga iyo FAVORI waxa na kala celin lahaa waa Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo aan na soo kala dhexgelin. Bani’aadanka waxaa kala haga caqli iyo sharci, sharcigii na kala hagi lahaa waa Wasaaraddii Shaqada iyo Shaqaalaha, gaar ahaan annaga waxaan dhaliilaynaa Waaxda Shaqaalaha. Wax badan ayaan u sheegnay, waa na laga hoos qaadi waayay.” Ayuu yiri Cali Maxamed.
Cali Maxamed ayaa intaasi ku daray “Markii na laga hoos qaadi waayay cabashadeenna, FAVORI waxay sameysay inay xuquuqdeennii ku tumato ay istiraahdo dadkan ceelna uma qodna, cidna uma maqna.”
Cali Maxamed ayaa xusay in cabashadan ay hadda sameeyeen ay ka dambeysay, ka dib markii shirkadda ay ceyrisay 15 ka mid ah shaqaalaha.
“Hadda cabashadan cusub waxaa soo siyaadiyay waa 15 qofood oo shaqaalaha ah oo macno la’aan lagu yiri idiinma baahnin, iridana ka baxa.” Ayuu yiri Cali Maxamed oo hadalkiisa ku xoojiyay “Wax cudurdaar ah oo loo sheegay ma jirto.”
Qaar kale oo shaqaalaha ka mid ah, Warbaahinta gudahana ka soo muuqday ayaa sheegay in dadkaasi la eryay la doonayo in lagu bedelo shaqaale kale oo ajaaniib ah, taas oo sida ay sheegeen aysan ogolaan doonin.
Shaqaalaha qaarkood ayaa ka cabanaya in culeys badani ay dareemeen, ka dib kormeerkii uu Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu billihii September iyo October ku yimid garoonkaasi. Kormeerka Raysal Wasaare Barre ayaa la xiriiray wax ka qabashada farriimo ay dadweynuhu ka soo gudbiyeen in gaabis uu ka jiro howlaha shaqo ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Shaqaalaha garab rarata ee Garoonka Aadan Cadde ayay dhowr goor oo hore ay is qabteen Shirkadda FAVORI, oo dhibaatada ugu weyna ay ka dhalatay shirkaddaasi oo diiday in mushaar kordhin loo sameeyo shaqaalaha.
Warbaahinta ayaa fahamsan inay jirto cabasho ay shirkadda qudheedu ka soo gudbisay shaqaalaha, oo xubno ka mid ah ay ku eedeysay in aysan si sax ah u shaqeysaneyn, kuwaas oo loo arko inaanan loo bedeli karin damiinka adag ay ku joogaan shaqada iyo qaarkood oo sumcad iyo kalsooni ku helay muddo dheer, oo ay u soo shaqeynayeen shirkadaha diyaaradaha ee xilligii burburka dalka ka shaqeynayay.
Si kastaba ha-ahaatee gadoodkan ay shaqaaluhu sameeyeen ayaa maanta muddo hakad gelisay qayb ka mid ah howlihii shaqo ee garoonkaasi, waxaana haatan socdo dadaalo u muuqdo mid lagu maslaxeynayo shaqaalaha.
