Home Wararka Maanta Ciidamada oo sii wada gulufka ay ku hayaan Shabaabka Jamaame

Ciidamada oo sii wada gulufka ay ku hayaan Shabaabka Jamaame

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa ku sii siqaya Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, oo maleeshiyada Al Shabaab ay si buuxda uga arrimiyaan.

Ciidamada ayaa Arbacadii weerar ku qaaday deegaanada dhaca jiinka Webiga Jubba ee hoostaga Degmada Jamaame, halkaas oo Shabaabku ay ku leeyihiin difaacyadooda ugu waaweyn ee ay ka difaacayaan Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Taliska Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in ciidamadu ay weerar ku qaadeen goobihii ay maleeshiyada Al Shabaab kaga dhuumaaleysanayaan sida uu talisku sheegay deegaanada Muuse Xaaji, Araare, Bangeeni, Koban iyo Maleeley oo hoostaga Jamaame.

Taliska ayaa sheegay in ciidamada ay xagga cirka ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ka caawinaya hawlgalka hawada.

Dhowrkii maalmood ee u dambeeyay, duqaymo xoogan ayaa laga soo wariyay inay ka dhaceen deegaanada hoostaga degmadaasi.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa Axaddii xaqiijiyay in Jimcihii iyo Sabtidii ay duqaymo ka fuliyeen deegaano qiyaastii 55km u jira Magaalada Kismaayo.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay muuqaalo muujinaya dad rayid ah oo wax ku noqday duqaymaha. Warbaahinta Al Shabaab ayaa warisay in duqaymahan ay ku dhinteen 12 qof, oo isugu jira sagaal carruur iyo saddex dumar ah. Warbaahinta ayaa intaasi ku dartay in sagaal kalena ay ku dhaawacmeen duqaymahaasi.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegaya in uu socdo hawlgal kooxaha argagixisada lagaga sifeynayo dhulka hawdka ee gobolka.

Korneyl Nuur Mahad Xasan, Taliyaha Qaybta 43aad ee Militariga Somaliya ayaa laga soo xigtay in ciidamadu ay sii wadi doonaan hawlgalka, illaa iyo inta laga xoreynayo Degmada Jamaame.

Hawlgalkan ayaa culeys ku ah Al Shabaab oo dhowr iyo toban sano ka arrimineysay Jamaame.

Haddii ciidamadu ay la wareegaan gacan ku haynta degmadan ayaa waxay noqoneysaa markii ugu horreysay oo Shabaabka laga saaro, tan iyo dhismihii Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Jamaame ayaa qiyaastii 70km jihada waqooyi uga beegan Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc