Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa ciidamada faray in ay toogtaan xubin kasta oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, oo ay ku arkaan meel ka mid ah Gobolka Mudug.
Wasiirka oo gelinkii dambe ee maanta booqday Dugsiga Tababarka Daraawiishta Galmudug ee Indha-qaris ee duleedka Magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale waxa uu ciidamadu faray in ay maleeshiyadaasi ka saaraan deegaanada ay ka maamulaan gobolkaasi.
“Khawaarijta qofkii arkaa ha dilo.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga oo intaa raaciyay “Waa la dilayaa Khawaarijta.”
Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamada ay tahay inay soo dhaweeyaan xubnaha Shabaabka ee go’aansada inay isa soo dhiibaan, balse kuwa kale ee dagaalka ku jira ay amar u haystaan inay dili karaan.
“Kuwa dagaalka ku jira ee hubka wata, hadday isa soo dhiibaan qaab loola macaamilee leeyihiin, dhaawacoodana qaab loola macaamiluu leeyahay, laakiin kuwa dagaalka ku jira amar baan u haysanaa, Dowladda Somaliya-na way fasaxday, Nabiguna (SCW) wuu fasaxay.” Ayuu yiri Wasiirku.
Xerada Indha-qaris ayaa billihii u dambeeyay waxa uu tababar uga socday ciidamo ku biiraya Daraawiishta Galmudug, wuxuuna Wasiir Fiqi uu ciidamadaasi u sheegay in dhawaan tababarka loo soo xiro doono, qalabkana la siin doono.
Wasiirka ayaa ciidamadan ku wargeliyay in ay kordhin cusub u noqon doonaan ciidamada kale ee Galmudug iyo kuwa Xoogga Dalka ee Al Shabaab kula dagaalamaya qaybo ka mid ah deegaanada Galmudug.
“Ciidamadaas ayaa waxaa u noqoneysiin kordhin cusub, waxaana la rabaa inaad tamar cusub la tagtaan. Waa cibaado, waa lagu cibaadeysanaa nimankaasi.” Ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Difaaca Somaliya.
Wasiirka ayaa ciidamada ka dalbaday inay u hawlgalaan, sida Shabaabka guurguura oo kale ee mar walba lugeynaya, si ay uga caagaan deegaanada Galmudug.
“Soddon soddon iyo labaatan labaatan siday u socdaan oo kale ayaa la rabaa inaad u socotiin.” Ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiir Fiqi oo ciidamada aan ka qarin in dagaal loo wado ayaa yiri “Waxaan rabnaa marka uu tababarka idiin dhammaado oo la idin qalabeeyo, wixii ka dambeeya in la dareemo in meesha ciidan soo galay. Fadhi ma jiro, meyd la wado oo Khawaarij ah, mid la soo qabtay iyo mid qorigiisii laga soo furtay in la keeno. Silig weeye nimanku ciyaalka xunka ah ee Khawaarijta.”
Shabaabka ayaa dhul ballaaran ka haysta koonfurta Gobolka Mudug, waxaana deegaanada ay kaga sugan laga xusi karaa Jowle, Eryaal, Dumaaye, Dabagalo, Miliqo, Miiroon, Dhalwo, Qodqod, Ceel Cabdi, Qaycad, Caad, Cammaara, Bacaadweyne, Shabellow, Jeex-jeexa, Yacgoos iyo Dhagaxdheer.
Shabaabka ayaa inta badan dhulkan laga saaray, intii uu deegaanada Galmudug ka socday wejiga koowaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka ee sanadkii 2023, inkastoo ay Shabaabku u suurtagashay in ay dib u soo qabsadaan deegaanadaasi, iyagoo ka faa’iideysanaya hakadka sanadkii xigay ee 2024 ku yimid dagaaladii lagu la jiray.
Shabaabka ayaa deegaanka Jowle oo hoostaga Degmada Xarardheere ku leh xaruntooda ugu weyn ee laga xukumo dhammaan deegaanada ay ka maamulaan koonfurta gobolkaasi.
