Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay gulufka ku wajahan Degmada Jamaame

Wararkii ugu dambeeyay gulufka ku wajahan Degmada Jamaame

by Laacib

Ciidanka Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland oo is garabsanaya ayaa maleeshiyada Al Shabaab kula dagaalamaya deegaanada hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa dagaal adag kula jira maleeshiyadaasi, iyagoona toddobaadkii saddexaad kula dagaalamaya deegaanada dhaca jiinka Webiga Jubba ee hoostaga degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xooggiisu uu ka socdo dhulka hawdka ee u dhaxeeya Baar Sanguuni & Jamaame iyo hareeraha waddada laamiga ee tagta degmadaasi.

Ciidamada ayaa si garbo siman uga hawlgalaya webiga jiinkiisa iyo waddada laamiga, inkastoo aad mooddo in ay caqabad ka haysato, sidii ay si dhakhsa ah horey ugu sii socon lahaayeen.

Shabaabka ayaad arki kartaa in gaashaankooda ugu weyn uu yahay geedaha badan ee ku yaala hareeraha waddada laamiga iyo dhulka hawdka ee aagga webiga.

Ciidamada ayaa dhibaato badan ka maraya, sidii Shabaabka kooxo kooxaha u abaabulan ay uga saari lahaayeen dhulka aanay ishu qaban karin, waxa ku dhex jira amaba cidda ka dhex dagaalameysa.

Shabaabka ayaa la aaminsan yahay in ay isticmaalayaan saad iyo sahay ay ku kaydsadeen dhufeysyada iyo godadka ay ka qoteen dhulka ciriirga ah ee ay ku sugan yihiin, halkaas oo ay u arkaan meelaha ugu wanaagsan ee ay ka difaaci karaan magaalada.

Shabaabka oo isku dayaya in ay dagaalka ka fogeeyaan Jamaame ayaa koox ka mid ah maleeshiyadooda waxay Sabtidii weedeeratay ciidamada ku wajahan magaaladaasi, waxayna kooxdu ay askar ka tirsan kuwa Jubbaland ku weerartay inta u dhaxeyso Buulogaduud iyo Baar Sanguuni. Idaacadda Al Furqaan oo ka mid ah Warbaahinta taageerta Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi lagu dilay laba askari, mid kalena lagu dhaawacay.

Waxyaabaha ay ciidamadu aadka uga feejigan yihiin ayaa waxaa ka mid ah in loo daba maro dhulka ay soo mareen, dhulkii horey xorta u ahaa iyo in dhabar jebin lagu sameeyo, laakiin wuxu waa dagaal, nin kastana tabta iyo xeeladdiisa ayuu adeegsanayaa.

Dhanka kale diyaarado dagaal ayaa saacaadihii u dambeeyay duqaymo ka fuliyay deegaanada Bangeeni iyo Koban, oo ka mid ah deegaanada afka u saaran Jamaame.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradahan ay garaaceen bartilmaameedyada ay Shabaabku ku leeyihiin deegaanadaasi.

Shabaabka ayaan wax war ah ka soo saarin duqaymahan, loogamana baran inay ka hadlaan, marka sidaan oo kale xagga cirka looga weeraro.

Muddada uu hawlgalkan socdo ayaa waxaa kordhaya duqaymaha u muuqdo mid ay diyaaradaha dagaalka ku burburinayaan difaacyada ay Shabaabku ku leeyihiin bannaanada magaalada.

Taliska Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa bilowgii hawlgalka sheegay in hawlgalku uu isugu jiro mid dhul iyo cirba leh, isla-markaana diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ay ciidamada ka taageerayaan dhinaca hawada.

Diyaarado dagaal ayaa Arbacadii waraaqo digniin ah ku daadiyay Degmada Jamaame, waxayna ahayd farriin dadka loogu sheegayay in ay isaga fogaadaan goobaha ay ka ag-dhow yihiin maleeshiyada Al Shabaab.

Hawlgalkan ayaa la doonaya in Shabaabka lagaga saaro Jamaame, oo ay ka arriminayeen 17-kii sano ee u dambeysay. Shabaabka ayaan mar keliya laga saarin magaaladan, laga soo bilaabo sanadkii 2008 oo maamulkeeda ay la wareegeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc