Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Degmada Wanlaweyn ayaa weli hawlgal ka dhan ah isbaarooyinka, laguna baadigoobayo lixda nin ee dilka ku xukuman ka wada Gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidanka Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Xoogga Dalka iyo Booliska Saldhigga Wanlaweyn ayaa hawlgalkoodan si aan joogta ahayn uga sameeya waddada xiriirisa deegaanada Yaaq-bariweyne iyo Leego oo hoostaga Degmada Wanlaweyn.
Ciidamada ayaad arki kartaa in jahwareer uu ka muuqdo qaabka ay hawlgalkan u fulinayaan, maadaama aysan si joogta ah uga hawlgaleynin deegaanadaasi, inta ay ka maqan yihiin ay ka faa’iideysanayaan maleeshiyaadka hubeysan ee beelaha.
Ciidamada ayaa saacadaha dhexe ee maalintii hawlgalka ka sameeya waddadan, waxayna habeenkii ku hoydaan Degmada Wanlaweyn oo fadhigoodu uu yahay.
Ciidamada oo inta badan xilliyada barqadii ka soo dhaqaaqa Degmada Wanlaweyn ayaa gaadiidkooda dagaalka ku mara waddada laamiga ee isku xirto Wanlaweyn iyo Leego.
Ciidamada ayaa mararka qaarkood isku fidiya jid-caddeyaasha looga dhaadhaco waddada laamiga, waxayna si dhif ah ay xilliyada qaar ula kulmaan maleeshiyada qabaa’ilada ee isbaarooyinka dhigta waddada.
Muddada uu hakadka ku jiro hawlgalka, maleeshiyooyinka ayaa waddada ku dhibaateeya gaadiidka dadweynaha iyo wixii ay ka soo gaaraan oo gawaarida xamuulka ee rarka ganacsiga sida ah, inkastoo inta badan wadayaasha baabuurta ganacsiga ay haatan joojiyeen in xilliyada habeenkii ay ku safraan waddadan.
Maleeshiyadan oo aad mooddo in ay barteen, xilliyada ay ciidamadu hawlgalka sameynayaan ayaa isaga kala taga oo baneeya waddada laamiga, inta ay ciidamadu maqan yihiina ay dib uga bilaabaan howlahooda sharci darrada ah.
Maleeshiyadan ayaa u badan kuwii ay horey isbaarada ugu tiilay deegaanka Yaaq-bariweyne, balse ay ciidamadu qaadeen 23-kii bishii November, waana maleeshiyaad aad u abaabulan oo gacan siinaya lixda nin ee dilka toogashada ay Maxkamadda Militariga ku xukuntay 22-kii bishaasi.
Ciidamada ayaa maanta waddada Leego ka gudbiyay gaadiid badan oo kuwa ganacsiga ah, ka dib markii darawaladu ay baqdin ka muujiyeen in habeenkii xalay waddada lagu baarto.
Gawaaridan ayaa galabnimadii Axadda isugu tagay agagaarka Xerada Ballidoogle oo Kumaandooska Danab ay degan yihiin, iyadoo darawaladu ay ka cararayeen in gabalku uu ugu dhaco waddada. Gaadiidkan oo badeecooyin kala duwan ka qaaday Magaalada Muqdisho ayaa qaarkood ku wajahan Baydhabo, halka kuwa kalena ay ku sii jeedaan Gobolka Gedo.
Wadayaasha baabuurta xamuulka ayaa ka warqaba in waddada Yaaq-bariweyne iyo Leego ay ammaan tahay, marka ay ciidamadu hawlgalka amaba dhaqdhaqaaqa ay ka sameynayaan.
