Ciidamada amniga ee Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku soo dhigay laba nin, kuwaas oo siyaabooyin kala duwan dilal uga gaystay gudaha magaalada iyo bannaanadeeda.
Raage Bedel Caanood oo ku eedeysan in marxuum Cabdi Ciise Qooley oo nin oday ahaa uu Isniintii ku dilay magaalada ayaa la soo xiray, waxaana uu hadda ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska.
Laamaha amniga ayaa waxaa soo qabashada Raage Bedel ka caawiyay odayaasha beesha uu ka soo jeedo, si looga hortago dilal kale oo qalqalgelin amni ah oo ka dhaca magaalada.
Raage Bedel ayaa ku andacoonaya in ninkaasi uu ka aargudanayay dil uu 20 ka hor u gaystay aabihii.
Taliska Booliska Galmudug ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen nin kale, oo ay sheegeen in maanta uu laba ruux ku dilay baadiyaha Degmada Caabudwaaq. Taliska ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Dayib Cabdi Maxamed uu dilay laba qof oo shacab ah.
“Eedeysanaha oo markii hore gaystay dilka hal qof ayaa intii lagu guda jiray hawlgalka ay ciidamada amnigu ku raadinayeen waxaa ku dhintay qof kale. Wuxuu hadda ku jiraa gacanta booliska, waxaana socda baaritaano hordhac ah.” Ayuu talisku ku sheegay war uu soo saaray.
Warka ayaa lagu sheegay in baaritaanka ka dib ninkaasi la hargayn doono sharciga, si tallaabada ku habboon looga qaado.
Taliska Booliska Galmudug ayaa dhanka kale baaq u jeediyay dadka deegaanka, oo laga dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada iyo inay xoojiyaan feejignaantooda, isla-markaana aysan ogolaanin in falal liddi ku ah amniga laga gaysto magaalada iyo deegaanada hoostaga.
“Taliska Booliska Galmudug wuxuu bulshada ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna soo gudbiyaan xog kasta oo ka caawin karta ka hortagga falalka amni darrada. Sidoo kale, shacabka waxaa lagu wargelinayaa inay xoojiyaan feejignaanta, oo aanay u ogolaan in magaalada ama deegaanada kale ay ka dhacaan falal amni darro.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska Booliska Galmudug.
Dilalka aanooyin beelaha ayaa meeshii ugu sarreysay ka gaaray deegaanada Galmudug, iyadoo aan si dhab ah loo aqoon cidda hurineysa.