Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Doha, si uu uga qaybgalo Madasha Doha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Doha, si uu uga qaybgalo Madasha Doha

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray Magaalada Doha ee dalkaasi Qatar.

Madaxweynaha ayaa Caasimadda Doha kaga qaybgelaya Madasha Doha, oo ah madal caalami ah oo Dowladda Qatar ay isugu keento hoggaamiyeyaasha caalamka, waana madal looga hadlo arrimaha amniga, teknolojiyadda iyo dejinta xiisadaha siyaasadda, isla-markaana lagu gorfeeyo fekraha iyo talooyinka ku jiheysan ficilka.

Shirkan ayaa maalmaha Sabtida iyo Axadda ka qabsoomi doona Doha, waxaana ka qaybgelaya madax iyo hay’ado ka socda in ka badan 100 dowladood.

Madasha Doha oo madal sanadle ah ayaa la aasaasay sanadkii 2003, waxaana sanadkan uu hal-ku-dhigeedu yahay (Caddaalad iyo waxqabad).

“Madaxweynaha ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Hamad International Airport waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Qatar, iyadoo booqashadiisa ay qayb ka tahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee labada dal.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Inta uu ku sugan yahay Doha, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulamo la qaadan doona Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim Binu Xamad iyo madaxda dalkaas oo ay ka wada hadlayaan xaaladda gobolka iyo mustaqbalka xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Somaliya iyo Qatar. Ka qaybgalka wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ee Madasha Doha ayaa fursad wanaagsan u ah muujinta muuqaalka diblomaasiyadeed ee Somaliya iyo xoojinta wada hadalada caalamiga ah ee ku saabsan amniga iyo mustaqbalka gobolka.”

Bartamihii bishii September ayay ahayd, markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu Doha kaga qaybgalay Shir Madaxeedka Hoggaamiyeyaasha Carabta iyo kuwa Iskaashiga Islaamka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc