Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo macno u yeelay doorashada Muqdisho

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo macno u yeelay doorashada Muqdisho

by Laacib

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa maanta ku tilmaamay maalin weyn iyo maalin ay dadka Soomaaliyeed sugayeen, si ay codkooda wax ugu soo doortaan.

“Somaliya waxaa maanta u furmay waddo cusub.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo saaka Magaalada Muqdisho ka daahfuray Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa tibaaxay in muddo lixdan sano ku dhow aanu Gobolka Banaadir soo marin sida uu yiri maanta oo kale.

“Lixdan sano ku dhawaad Gobolkan Banaadir maanta oo kale ma soo marin.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo dadka reer Muqdisho kuwooda kaarta qaatay ku booriyay in ay taggaan goobaha codbixinta.

“Waxaan leeyahay ummadda Soomaaliyeed ha laga faa’iideysto. Ha la soo baxo oo ha la soo aado goobaha codbixinta.” Ayuu yiri Cabdikariin Axmed Xasan oo xusay in dad kor u dhaafaya shan boqol oo kun oo qof ay qaateen kaarka codbixinta.

“Maanta waa maalin weyn oo ummadda Soomaaliyeed albaab cusub u furmay, waana maalin ay shacbiga Soomaaliyeed bilaabayaan inay codkoodu dhiibtaan oo codkooda ku ciil baxaan. Somaliya waxay u baahan tahay in shacbigu ay codkooda gaaraan.” Ayuu yiri Cabdikariin Axmed.

Gudoomiye Cabdikariin ayaa xalay Muqdisho ka sheegay in dad gaaraya 503,916 qof, kuna nool Gobolka Banaadir ay qaateen kaarka lagu codeynayo.

Hadalkiisan ayaa imanaya, xilli Isniintii uu sheegay in in ka badan 400,000 oo qof ay qaateen kaarkaasi, iyadoona Talaadadii la soo xiray kaarbixinta oo tan iyo 15-kii bishii November ka socotay degmooyinkii ay dadku iska diiwaangeliyeen.

923,220 qof oo dadka reer Muqdisho ah ayaa bishii April isku diiwaangeliyay inay ka qayb qaataan Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir iyo Goleyaasha Dowladda Federaalka.

Tirada hadda kaarka qaadatay, sida uu Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka sheegay ayaa aad uga yar, tiradii billo ka hor iska diiwaangelisay Muqdisho, iskuna diiwaangelisay doorashooyinka dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc