Home Wararka Caalamka Ruushka oo jawaab jilicsan ka bixiyay qabsashada Mareykanka ee markabka watay Calanka Ruushka

Ruushka oo jawaab jilicsan ka bixiyay qabsashada Mareykanka ee markabka watay Calanka Ruushka

by Laacib

Ruushka ayaa cambaareeyay la wareegitaanka Ciidamada Mareykanka ee markabka shidaalka qaada ee Bella-1, balse dhawaan magaciisa u bedelay Marinera.

Wasaaradda Gaadiidka Ruushka ayaa sheegtay in ay ka xun tahay qabsashada Mareykanka ee markab sitay Calanka Ruushka, isla-markaana marayay Badweynta Atlantic-ga.

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay lumiyeen isgaarsiinta markabka, ka dib markii Ciidamada Mareykanka ay kor u fuuleen.

Wasaaradda ayaa waxay sheegtay in dal-na uusan xaq u lahayn in uu xoog u adeegsado markab ku diiwaan-gashan shuruucda dal kale.

“Iyadoo la raacayo heshiiskii Qaramada Midoobey ee sharciga badaha ee sanadkii 1982-kii, xorriyadda socdaalka waxay khuseysaa biyaha badda sare, mana jirto dowlad xaq u leh in ay xoog u adeegsato maraakiibta sida saxda ah uga diiwaan-gashan dowlado kale.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in markabka Marinera uu 24-kii bishii December helay ogolaansho ku-meel-gaar ah, si uu ugu gooshi amaba ugu safro Calanka Ruushka.

“24-kii bishii December, 2025 waxaa markabka Marinera la siiyay ogolaansho ku-meel-gaar ah inuu ku socdaalo Calanka Ruushka, oo la soo saaray si waafaqsan sharciga Ruushka iyo xeerarka caalamiga ah.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ciidamada Mareykanka ayaa maanta markabkan ganacsiga ku qabtay xeebaha Yurub, xilli uu ku sii jeeday Ruushka, isla-markaana aanu wadin wax shidaal ah.

Ciidamada Mareykanka ayaa la wareegay maamulka markabkaasi, ka hor inta aysan goobta soo gaarin gurmadka maraakiibta dagaalka ee dalkaasi Ruushka.

Ka dib la wareegitaanka Mareykanka ee markabka, jawaabta uu Ruushku ka bixiyay waxay ahayd mid hoose, mana sheegin in Moscow ay ka daba tageyso markabkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc