Shirkadda Diyaaradaha Sacuudiga ee Saudi (Saudia) Airlines ayaa lagu wadaa inay dhawaan ka shaqo bilowdo Magaalada Muqdisho, tani oo qayb ka ah tallaabooyinka ay Riyadh ku xoojineyso xiriirkeeda iyo iskaashiga ay la leedahay Somaliya.
Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa ku howlan, sidii Saudi Airlines ay duulimaad toos ah uga bilaabi lahayd Riyadh iyo Muqdisho ama Jeddah iyo Muqdisho.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macalin Xasan ayaa Sabtidii sheegay in Saraakiisha Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ay qiimayn ku saleeyeen Garoonka Aadan Cadde, isla-markaana ay ku qanceen in diyaaraddooda ay iman karto.
Maareeyaha ayaa sheegay in Saudia Airlines ay mar dhow ka shaqo bilaabi doonto Muqdisho, isaga oo aan muddo cayiman sheegin.
Wararka ayaa sheegaya in Boqortooyada Sacuudiga ay riixeyso in la dedejiyo duulimaadyada ay sida tooska ah isugu socon karaan shacabka labada dal, iyadoo aanu jirin dal saddexaad oo u dhaxeeya ama ay ku hakanayaan, marka ay isku gooshayaan.
Tani ayaa imaneysa, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Dowladda Somaliyeed ay Khamiistii Emirate-ka Carabta ka joojisay in diyaaradihiisa ay adeegsadaan hawada dalka, saacado uun ka dib, markii isbahaysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ee ka dagaalama dalkaasi Yemen ay soo saareen war ay ku sheegayaan in Emirate-ku uu u suurtageliyay Aidarous Al Zubaidi in uu ka cararo Koonfurta Yemen.
Isbahaysiga ayaa sheegay Al Zubaidi uu dooni ku tegay Magaalada Berbera ee Somaliland, halkaasna ay Saraakiisha Emirate-ka Carabta ka saareen diyaarad u socotay Magaalada Muqdisho, ka dibna uu ka raacay diyaarad kale oo gaysay Magaalada Abu Dhabi.
Sacuudiga oo dagaal ruqraafi siyaasadeed kula jira Emirate-ka Carabta ayaa doonaya in ay kaga dheereeyaan loolankooda Geeska Afrika.
Duulimaadyada labada dal ee Somaliya iyo Sacuudiga ayaa loo arkaa mid sare loogu qaadayo, isla-markaana lagu wanaajinayo xiriirka ganacsiga iyo dalxiiska ee dadka labada dal.