Home Wararka Maanta Somaliya oo dalka ka ceyrisay Emirate-ka Carabta

Somaliya oo dalka ka ceyrisay Emirate-ka Carabta

by Laacib

Dowladda Somaliya ayaa soo afjartay heshiisyadii iskaashiga amniga iyo difaaca ee kala dhaxeeyay Dowladda Emirate-ka Carabta, ka dib markii Muqdisho ay Abu Dhabi ku eedeysay in ay ku howlaneyd tallaabooyin guracan oo ka dhan ah gobanimada, midnimada qaranimo iyo madaxbannaanida siyaasaded ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

Golaha Wasiirada Somaliya oo Isniintan ku kulmay Magaalada Muqdisho ayaa buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is afgaradyadii ee labada dowladood ay horey u gaareen ee dhinacyada iskaashiga amniga iyo difaaca ee laba geesoodka ah.

War ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in go’aankan uu xitaa khuseeyo heshiisyadii iyo wada shaqayntii ay Emirate-ka Carabta ku joogeen Dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo.

Warka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in go’aan qaadashadan ay ka dambeysay, ka dib markii ay Somaliya ogaatay in Abu Dhabi ay ku fooganeyd tallaabooyin ay ku kala dhantaaleyso midnimada iyo madaxbannaanida dalka.

“Go’aankan waxa uu khuseeyaa dhammaan heshiisyada iyo wada shaqaynta ay ku joogeen Dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo. Go’aankaan ayaa la xiriiray warbixino iyo caddeymo xooggan oo ku saabsan tallaabooyin guracan oo lagu dhibaataynayo gobanimada, midnimada qaranka iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Somaliya.” Ayaa lagu yiri warka oo intaa ku daray “Dowladda Somaliya waxa ay ku caddeynaysaa masuuliyaddeeda iyo xuquuqdeeda madaxbannaani ee la xiriirta dhulkeeda, dekedaheeda, arrimaheeda amniga iyo arrimaheeda dibadda.”

Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeed dhowr iyo toban qodob ka kooban, kaas oo lagu ilaalinayo midnimada dalka, isla-markaana aysan Dowlad Goboleedyadu geli karin heshiis aan lala soo socodsiin Dowladda Federaalka.

“Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ansixiyay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Madaxbannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed. Hindise Sharciyeedka Taxkiimka iyo Xeer Nidaamiyaha Sharciga Adeegyada Shirkadaha. Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Madaxbannaanida iyo Midnimada Dhuleed oo ka kooban dhowr iyo tobon qodob ayaa mamnuucaya heshiis kasta oo ay maamul hoosaadyada iyo hay’adaha gaarka ah la galaan cid shisheeye ah, iyada oo aanan wax ogeysiin iyo ogolaansho laga haysanin Dowladda Federaalka Somaliya, korjoogtayna aysan ku lahayn wasaaradda uu heshiiskaas khuseeyo.” Ayaa lagu yiri warka.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo mar dambe shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda la faray in ay Dowladda Emirate-ka Carabta gaarsiiso go’aankan, isla-markaana ay Somaliya kala shaqeyso hirgelintiisa.

Wasiirka ayaa waxa kaloo uu sheegay in wasaaradda la faray in sidoo kale ay go’aanka Somaliya gaarsiiso saaxiibada caalamiga ah iyo kuwa gobolka, sida Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa ku waramaya in Somaliya ay ogoshahay iskaashi caalami ah, oo ku dhisan is ixtiraam iyo in loo hoggaansamo mabaadi’da dastuuriga ah iyo xeerarka caalamiga ah.

“Dowladda Federaalka Somaliya waxay ogoshahay iskaashi caalami ah, oo ku dhisan is ixtiraam, aqoonsiga gobanimada iyo madaxbannaanida Somaliya oo mid ah iyo u hoggaansanaanta mabaadi’da dastuuriga ah iyo kuwa caalamiga ah.” Ayuu yiri Daa’uud Aweys oo xusay “Go’aankan waxaa loo qaatay si waafaqsan danta guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.”

Mowqifkan adag ee ay Somaliya ka qaadatay Emirate-ka Carabta ayaa lagu soo afjarayaa dhammaan howlihii ay ka wadeen meelo ka mid ah dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc