Home Wararka Caalamka Xiisad aan caadi ahayn oo ka jirta Bariga Dhexe iyo dagaal laga cabsi qabo

Xiisad aan caadi ahayn oo ka jirta Bariga Dhexe iyo dagaal laga cabsi qabo

by Laacib

Xiisadda soo laba kacleysay ee ka jirta Bariga Dhexe ayaa gobolka ka abuurtay walaac weyn oo amni, taas oo gobolka ku jiidi karta xaalad aan la mahdin.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Mareykanka ay isku diyaarinayaan duulaan cirka ah oo ay ku qaadaan dalkaasi Iran, iyadoo lagaga jawaabayo gacanta adag ee ay dowladda dalkaasi ku maquunineyso dadka wada dibadbaxyada lagaga soo horjeedo dowladda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa Maamulka Madaxweyne Donald Trump uga digay weerar xadgudub ku ah madaxbannaanida dalkaasi, taasna ay keeni doonto in qaranku uu si adag uga falceliyo.

Warbaahinta gobolka iyo tan caalamka ayaa ku waramaya in Tehran ay heegan buuxa gelisay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran.

Arbacadii ayaa waxaa gobolka laga dareemay in dagaal uu dhici karo, ka dib markii Talisyada Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ay dhimeen tirada ciidamada ka jooga dalka yar ee Qatar, gaar ahaan Saldhigga Ciidanka Cirka ee Al Udeid.

Saldhiggan ayaa waxa uu ku yaallaa saxaraha koonfur galbeed ee Magaalada Doha, waxaana la sheegaa in ay ka hawlgalaan in ka badan toban kun oo askari (10,000), kuwaas oo isugu jira Ciidamada Mareykanka iyo isbahaysigooda dibadda.

Saldhiggan ayaa ah mid ka mid ah saldhigyada ugu muhiimsan ee ay Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Bariga Dhexe, waana talis muhiim u ah hawlgalada Mareykanka ee gobolka.

Dadka daraaseeya arrimaha militariga ayaa saldhiggan ku tilmaama kan ugu weyn ee Mareykanku ku leeahay gobolka iyo Xarunta Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM).

Iran waa mid ka mid ah dalalka kooban ee ku hubeysan gantaalada guuxooda ka dheereeya, oo garaaci kara Saldhigyada Ciidamada Mareykanka ee gobolka oo dhan.

Tiro dalal ah ayaa muwaadiniintooda ugu baaqay in ay si degdeg ah uga baxaan Iran, iyadoona shirkadaha diyaaradaha ay dib u habeynayaan duulimaadyadooda, si ay uga fogaadaan hawada Iran.

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa toddobaadkan ku hanjabay in ay tallaabo militari ka qaadi doonaan Dowladda Iran, haddii aysan joojin gacanta adag ee ay ku wajaheyso dadkeeda ka mudaaharaadaya sicir bararka baahsan ee ka jira dalkaasi iyo qiima dhaca ku yimid lacagta dalka.

Iran waxay heegan buuxa gelisay dhammaan ciidamadeeda u diyaarsan ka jawaabidda fara-gelinta dibadda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc