Home Wararka Maanta Taliska Booliska oo askarta hubeysan ka mamnuucay in ay mooto Fekon ku isticmaalaan Muqdisho

Taliska Booliska oo askarta hubeysan ka mamnuucay in ay mooto Fekon ku isticmaalaan Muqdisho

by Laacib

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa mamnuucay in askari hubeysan uu gudaha Magaalada Muqdisho ku dhex isticmaalo mooto Fekon.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in aan la ogoleyn in gudaha magaalada lagu arko askari hubeysan, isla-markaana aan shaqo ku jirin.

Taliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, askarigii aan u hoggaansamin awaamiirta laamaha amniga.

Booliska ayaa digniintan soo saaray, ka dib markii maanta si weyn barraha bulshada looga daawaday askari lagu kaxeynayo mooto Fekon oo illaa saddex degmo isku maray, isagoo dadka ka dhacaya teleefanadooda gacanta. Askarigan ayaa ku hubeysnaa qori AK47 ah.

Warka Taliska Booliska ayaa u qornaa:-

Waxaa lagu wargelinayaa dhamaan ciidamada ka tirsan hay’adaha amniga in aan la ogolayn, isla-markaana ay mamnuuc tahay in askari hubeysan uu isticmaalo mooto Fekon.

Sidoo kale, gudaha caasimadda lama ogola in askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko.

Askarigii ka dhega adeyga awaamirta hay’adaha amniga waxaa laga qaadi doonnaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc