Wararka ka imanaya deegaanka Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in weli ay xaalad cakiran ka jirto deegaankaasi oo hoostaga Degmada Badhaadhe.
Ciidanka Jubbaland oo garabsanaya Kumaandooska Danab ee Militariga Somaliya ayaa go’doomiyay maleeshiyadii Al Shabaab ee Arbacadii dagaalka kula wareegtay gacan ku haynta deegaankaasi.
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay xalay dagaalameen dhowr jeer, ka dib weeraro ay soo qaadeen Shabaabka.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay isku dayeen inay furtaan waddo ay deegaanka uga baxaan, balse ay ku adkaatay.
Deegaanka ayaa waxaa shalay duqaymo ka gaystay diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caaamiga ah, oo ay ku jiraan kuwa Kenya.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayay wararku sheegayaan in ay weli ciidamada ka taageerayaan hawlgalka hawada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Kumaandooska Danab ay hagayaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka, si ay xagga cirka uga garaacaan Shabaabka soo weeraray Kudhaa.
Saraakiisha Jubbaland ee hoggaaminaya ciidamada darafyada ka jooga Kudhaa ayaa laga soo xigtay in ay wadaan hawlgal lagu soo afjarayo kooxaha argagixisada.
Dadka deegaanka ee ka soo cararay Kudhaa ayaa sheegay in Shabaabka gudaha ugu sugan jasiiradda ay wataan gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah.
Ciidamada ayaa waxaa laga yaabaa in Khamiistan ay weerar toos ah ku qaadaan Shabaabka soo duulay.
Ciidanka Jubbaland ayaa saldhig weyn oo ciidan ku lahaa deegaanka, kaas oo bishii October ee sanadkii 2024 ay ka guureen Militariga Kenya.