Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa Sabtidan Magaalada Nairobi kula kulmay wakiilo ka socda Beesha Caalamka, kuwaas oo ay ka wada hadleen, sidii xal looga gaari lahaa is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka.
Golaha Mustaqbalka ayaa war uu soo saaray ku sheegay “Golaha Mustaqbalka Somaliya ayaa galabta Magaalada Nairobi kulan kula qaatay Wakiilada Beesha Caalamka oo isugu jira Safiirada Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, UK iyo USA.”
Warka ayaa sidoo kale lagu yiri “Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Somaliya, gaar ahaan marxalada xasaasiga ah ee siyaasadeed ee dalku marayo iyo sidii xal degdeg ah looga gaari lahaa dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka.”
Golaha Mustaqbalka ayaa ah isbahaysi siyaasadeed, oo ay leeyihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Puntland iyo Jubbaland.
Beesha Caalamka ayaa riixeysa, sidii uu u guuleysan lahaa shirka lagu wado in Dowladda Federaalka iyo mucaaradka uu 1-da bisha soo socota ee February uga furmo Magaalada Muqdisho.
Golaha Mustaqbalka ayaa maanta sheegay inay ka qaybgeli doonaan gogosha wadatashiga qaran ee taala Muqdisho, wuxuuse goluhu uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu qaado tallaabooyin u gogol xaaraya in shirka uu ku qabsoomo jewi leh kalsooni iyo niyadsami, isla-markaana uu ka laabto wax ka bedelka ay dowladdiisa ku sameysay Dastuurka KMG.
