Ciidamada Ilaalada Xuduudaha iyo Kastamyada Mareykanka ee ICE ayaa Sabtidii Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ku dilay Alex Pretti, oo ahaa muwaadin American ah, iyadoo dilkiisu uu sii huriyay xiisaddii muddooyinkanba ka jirtay gobolkaasi ee u dhaxeysay Ciidamada ICE iyo dadka ka soo horjeedo joogitaankooda gobolka.
Ciidamada ICE ayaa si xun u jirdilay Alex Pretti, wax yar uun ka hor inta aanu nin askari ahi uusan toogasho ku dilin ninkaasi oo kalkaaliye caafimaad ahaa.
Wasaaradda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa sheegtay in askariga ka tirsan ICE uu u dilay Pretti, si uu isku difaaco, hase yeeshee waxaa warkaasi been abuur ku tilmaamay Gudoomiyaha Gobolka Minnesota, Tim Walz.
Xaaladda Minneapolis ayaa noqotay mid aad u kacsan, ka dib markii ciidamadu ay dileen Pretti oo 37 jir ahaa.
Susan Pretti oo ah hooyada dhashay ninkan dhallinyarada ah ayaa sheegtay in wiilkeedu uu si weyn uga soo horjeeday jihada uu Maamulka Madaxweyne Donald Trump ku wado dalka. Waxay sheegtay in wiilkeedu uu ahaa nin si weyn u daneeya dadka kale iyo ilaalinta deegaanka.
Michael Pretti oo ah aabaha dhalay dhibanaha ayaa isna yiri “Wuxuu ahaa qof si weyn u daneynayay dadka, wuxuuna aad uga xumaaday waxa ka dhacaya Minneapolis iyo guud ahaanba Mareykanka ee ay ka wadaan Ciidamada ICE. Mallaayiin qof oo kale ayaa sidoo kale ka xumaaday.”
Iyadoo qabow aad u daran uu ka jiro Minneapolis, haddana dadka ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada, iyagoo ku baaqaya in Pretti uu caddaalad helo.
Dadka reer Minneapolis qaarkood ayaa fiidnimadii Sabtida soo dhoobtay goobtii lagu dilay Pretti, si ay shumacyo u shidaan.
Dilkiisa ayaa imanaya, xilli dadka reer Minneapolis ay si weyn uga caroodeen toogasho uu askari ka tirsan Ciidamada ICE uu 7-dii bishan ku dilay haweeney 37 jir ahayd, laguna magacabayay Renée Good. Haweeneydan ayaa ahayd hooyo haysato saddex carruur ah oo laba ay mataano yihiin.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa bishii December amar ku bixiyay in ciidamadaasi laga hawlgeliyo gobolka, si ay u bartilmaameedsadaan Soomaalida bilaa sharciga ah iyo soo galootiga kale ee aan haysan sharciga dalkaasi.
Ciidamadan oo tan iyo bishii December hawlgal ka waday magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo Saint Paul ayaa waxay dadku ka horyimaadeen in ay si isku mid ah ula dhaqmayaan muwaadiniinta Mareykanka iyo dadka aan haysan sharciga deganaanshaha ee dalkaasi.
Ciidamadan ayaa cabsi badan ka abuuray Minneapolis iyo Saint Paul, waxaana Jimcihii magaalooyinkaasi ka dhacay mudaaharaadkii ugu weynaa ee lagaga soo horjeedo hawlgalkooda.