Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Wiilwaal ku soo dhaweeyay Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar).
Jigjiga ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
“Madaxda gobolka ayaa Jigjiga kaga arrinsanaya xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, xal u helidda caqabadaha taagan iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale, iyadoo Dowladda Somaliya ay mudnaanta siineyso xoojinta dadaalada diblomaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo adkeynta midnimada iyo qaranimada Somaliya.” Ayaa lagu yiri war lagu daabacay bogga Villa Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu Jigjiga kaga qaybgalo munaaabad xarigga looga jarayo mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay Dowlad Deegaanka, oo waxtar leh dhaqaalaha iyo adeegyada gobolka.
Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ah Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac.
