Home Wararka Caalamka Militariga Israel oo ka hadlay weerarada ay ka gaysteen gudaha Gaza

Militariga Israel oo ka hadlay weerarada ay ka gaysteen gudaha Gaza

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa war ka soo saaray duqaymihii ay maanta diyaaradahooda dagaalka ka gaysteen Marinka Gaza ee dadka badani ku dhinteen.

Taliska ayaa sheegay in ciidamadooda oo la hawlgelaya Hay’adda Sirdoonka Gudaha ee Shin Bet ay beegsadeen xubno ka tirsan Ururada Xamaas iyo Islamic Jihaad ee Falastiin.

Militariga Israel ayaa warkooda ku sheegay in duqaymahan ay jawaab u yihiin, waxa ay ku sheegeen xadgudub lagu sameeyay heshiiska xabad joojinta, iyaga oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah.

Waxay sheegeen in Jimcihii la arkay sideed nin oo ka soo baxaya god dhulka hoostiisa ah oo ku yaala bariga deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, falkaas oo ay u arkaan mid xadgudub ku ah heshiiskii xabad joojinta ee la gaaray bishii October.

Warka ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Difaaca Israel iyo Hay’adda Sirdoonka Shin Bet ay maanta bartilmaameedsadeen taliyeyaal iyo dagaal-yahano ka tirsan Xamaas iyo Islamic Jihaad, iyadoo laga jawaabayo xadgudubka ay sheegeen in lagu sameeyay xabad joojinta.

Militariga Israel ayaa waxay sheegeen in weeraradaasi lagu dilay afar nin oo taliyeyaal ay ku sheegeen iyo kuwo kale oo dagaal-yahano ay ku tilmaameen.

Militariga ayaa intaasi ku daray in ay duqeeyeen bakhaar hub, goob hubka lagu sameeyo iyo laba goobood oo kale oo Xamaas ay leedahay, isla-markaana ku yaala bartamaha Marinka Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa Sabtidan duqaymo culus ka gaystay deegaanka Khan Yunis iyo Magaalada Gaza ee koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza.

Weeraradan ayaa waxaa ku dhintay 32 qof oo ay ku jiraan lix carruur ah, iyadoo tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza, Mahmoud Basal ayaa caawa sheegay in dhimashada ugu badan ay ka dhacday Saldhigga Booliska Sheikh Radwan ee Magaalada Gaza, halkaas oo uu sheegay in lagu dilay 14 qof, inta illaa iyo hadda ay xaqiijiyeen, meydadkoodana ay soo saareen.

Afhayeenka oo la hadlay Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa xusay in xilligii uu weerarku dhacayay ay dhismaha saldhigga ku sugnaayeen boolis badan, kuwaas oo qaarkood lagu la’yahay burburka dhismaha oo ay ku hoos jiraan.

Duqaymahan ayaa noqonaya kuwoodii ugu weynaa ee ay Israel sanadkan ka gaysato Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc