Golaha Khubarada Iran ayaa waxay Mojtaba Khamenei u doorteen in uu noqdo Hoggaamiyaha cusub ee dalka uu yeelanayo, ka dib hawlgalkii wadajirka ahaa ee Mareykanka iyo Israel ay dhawaan ku dileen Ayatollah Ali Khamenei.
Mojtaba Khamenei oo 56 jir ah ayaa ah wiil uu dhalay Ayatollah Ali Khamenei, isagoona loo xushay in uu buuxiyo booskii uu aabihii banneeyay.
Warbaahinta Dowladda Iran ayaa saqdii dhexe ee xalay baahisay in Golaha Khubarada ay Mojtaba Khamenei u doorteen in uu sii wado shaqada hoggaanka ugu sarreya ee dalka.
Wararka ayaa sheegaya in doorashada Mojtaba Khamenei ay dhacday Sabtidii, isla-markaana aan la aqoon sababta ka dambeysa in la daahiyo ku dhawaaqista doorashadiisa.
Hoggaamiyaha cusub oo hadda ka dib loogu yeeri doono Ayatollah Mojtaba Khamenei ayaan xilka ku iman qaab dhaxaltooyo ama nin jecleysi ah, oo waxaa soo doortay Golaha Khubarada ee dalkaasi oo ka kooban 88 xubnood, oo ah culimo dhinaca diinta oo laga soo xulo dalka oo dhan.
Golahan ayaa la sameeyay, ka dib kacaankii dalkaasi ka curtay sanadkii 1979-kii ee lagu riday Boqortooyadii Mohammad Reza Pahlavi, isla-markaana lagu aasaasay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.
Mohammad Reza ayaa ah Boqorkii ugu dambeeyay ee Iran, intii u dhaxeysay sanadihii 1941-kii illaa 1979-kii, waxaana uu xilka kala wareegay aabihii Reza Shah. Mohammad Reza ayaa xukumayay Dowladdii Imperial-ka ee Iran, illaa uu xukunka ka tuuray Hoggaamiyihii Kacaanka Islaamiga ee Ruhollah Khomeini, kaas oo baabi’iyay Boqortooyadii Iran, si loo dhiso Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.
Golaha Khubarada Iran ayaa doorta Hoggaamiyaha ruuxiga ee dalka uu yeelanayo, waana kuwa la socda shaqadiisa, isla-markaana awoodda u leh in ay xilka ka qaadaan, haddii ay caddeymo ku helaan in aanu si sax ah u gudaneyn waajibaadkiisa.
Golahan ayay xaruntoodu tahay Magaalada Qom, halkaasi oo Talaadadii ay garaaceen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Israel.
Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay in Mareykanku uu dili doono Mojtaba, haddii uu sida aabihii oo kale uu cadow ka dhigto, waana mar uu suuqa soo galay warar sheegaya in ninkaasi uu noqon karo Hoggaamiyaha xiga ee Iran.
Doorashadiisa ayaa waxay ka dhigan tahay in Iran aysan ka waaban inay yeelato hoggaamiye cusub, iyadoo hoggaamiyihii ka horreyay ee la dilay aan weli la aasin.
Ayatollah Mojtaba Khamenei ayaa hoggaanka dalka la wareegaya waqti adag oo dalku uu dagaal ku jiro.
Hoggaamiyaha cusub ee la doortay ayaan noloshiisa loo magacaabin wax xil dowladeed.