Home Wararka Caalamka Indhaha dunida oo ku sii jeeda marin biyoodka Hormuz

Indhaha dunida oo ku sii jeeda marin biyoodka Hormuz

by Laacib

Marin biyoodka Hormuz waa mid ka mid ah marinada ugu mashquulka badan ee maraakiibta caalamka, waana isha ugu weyn ee ay adeegsadaan maraakiibta saliidda ee Bariga Dhexe, iyadoona uu ka gudbo shan meelood oo meel ee shidaalka laga ictimaalo dunida.

Xaalad hubinti la’aan ah ayaa la sheegay inay ka taagan tahay Marinka Hormuz, laga soo bilaabo markii uu dagaalku ka qarxay gobolka, isla-markaana ay Mareykanka iyo Israel weerareen dalkaasi Iran.

Weerarada Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran ayaa ka dambeeyay in uu qalqal ku yimaado marinka ugu weyn shixnadaha saliidda ee Bariga Dhexe, ka gadaal markii Militariga Iran ay soo saareen awaamiir ay maraakiibta ganacsiga ee Mareykanka, Israel, Yurub iyo xulafada kale ee reer galbeedka uga mamnuucayaan inay adeegsadaan Hormuz.

Iran ayaa waxay waddaa tallaabooyin militari iyo xeelado dagaal, oo ay isaga caabineyso duulaanka Mareykanka iyo Israel, tallaabada ay dalalka qaar uga joojisay marinkaasi ayaana ah cadaadis dhaqaale oo Mareykanka ay ku saareyso, si uu u joojiyo weerarada uu ku hayo.

Xanibaadda Iran ee la xiriirta in maraakiibta dalalka qaar aysan isticmaali karin Hormuz ayaa saameysay maraakiibta xamuulka ee dalalka kale, cabsi ay ka qabaan in la bartilmaameedsan karo. Tani ayaa keentay in uu si degdeg ah kor ugu kaco qiimaha saadka tamarta adduunka iyo in xasarad dhaqaale laga dareemo suuqyada caalamka, taasna waxay keentay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump loo arko in uu yahay dagaal ooge, marka loo eego in dagaalkan ka hor aanay wax mushkilad ahi ka jirin marin biyoodka Hormuz iyo suuqyada caalamka oo xasillooni dhaqaale uu ka jiray.

Maraakiib fara-badan ayaa ku xayiran xeebaha Emirate-ka Carabta, kuwaas oo shidaal iyo gaas ka soo qaaday qaar ka mid ah dalalka Khaliijka, waxayna shirkadaha maraakiibta ka warqabaan in aan si fudud lagu mari karin Hormuz, inta ay colaaddu ka jirto gobolka.

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa Arbacadii sheegtay in saddex markab lagu weeraray aagga Marinka Hormuz. Mid ka mid ah maraakiibtan oo watay Calanka Thailand, laguna magacaabo MAYUREE NAREE ayaa la sheegay in uu dab xoogan qabsaday, kaasoo shaqaalihii la socdayna lagu guuleystay in laga daadgureeyo, inkastoo saddex ka mid ah sida la sheegay lagu la’yahay dhacdadaasi.

Xalay laba markab oo kale oo kuwa shidaalka qaada ah ayaa doomaha is qarxiya lagu la beegsaday biyaha Koonfurta Ciraaq. Muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya maraakiibtan oo si xun u gubanaya.

Iran ayaan keliya xanibin isu socodka maraakiibta ee Hormuz, waxay sidoo kale ay beegsaneysaa xarumaha wax soosaarka tamarta ee Khaliijka, iyadoo ku ciqaabeysa dalalkaasi oo ay rumeysan tahay inay Mareykanka u ogolaadeen in dhulkooda loo adeegsado weerarada ka dhanka ah kaabeyaasheeda muhiimka ah.

Sacuudiga ayaa ka digay masiibo shidaal, ka dib markii Ciidamada Iran ay Talaadadii garaaceen Xarunta Warshadaha Ruwais (Ruwais Industrial Complex) ee Emirate-ka Carabta. Xaruntan ayaa ah warshadda ugu weyn ee saliidda sifeysa ee Bariga Dhexe.

Lixda dal ee Khaliijka iyo Ciraaq ayaa u muuqdo kuwo si ku-meel-gaar ahi u hakiyay howlihii shaqo ee warshadahooda tamarta, sababo ku aaddan weerarada sii kordhaya ee Iran.

Maamulada Shirkadaha Maraakiibta ayaa waxay sidoo kale diidan yihiin in ay dhageystaan baaqa Madaxweyne Donald Trump ee ku saabsan in aysan u hoggaansamin go’aanka ay Iran ku xirtay Hormuz, isla-markaana ay dunida tusaan inaanu marinkaasi xirneyn.

Trump ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka iyo Israel ay si weyn u wiiqeen awoodda militari ee Ciidamada Iran, sidaasi daraadeedna aysan jirin khatar weyn oo Iran xageeda ah oo laga cabsan karo.

Trump ayaa maalmihii la soo dhaafay si maalinle ah u sheegayay in aysan Iran gaysan karin weeraro waaweyn, isagoo u sababeynaya in laga adkaaday militari ahaan, warkaas oo aad mooddo in uusan ka tarjumeyn waaqica dhabta ah ee ka jira gobolka.

Iran ayaa si firfircoon u qaadeysa weerarada ay kaga aargudaneyso duulaanka Mareynka iyo Israel, si ay ugu muujiso inay tahay awood weli ka jirta Gobolka Bariga Dhexe. Khubarada ayaa sheegaya in Iran ay awood buuxda u leedahay inay sii dagaalanto goorahaan.

Indhaha dunida oo dhan ayaa ku sii jeeda xaaladda ka sii dareysa ee ka jirta gobolka ee sababtay in ay bartilmaameed noqdaan sahayda tamarta, marka aad eegto in la weerarayo maraakiibta shidaalka iyo warshadaha saliidda ee gobolkaasi.

Marinka Hormuz iyo tamarta Bariga Dhexe ayaan looga maarmi karin in tamarta dunidu ay noqoto mid sugan, dadkuna ay qiimo jaban ku heli karaan.

Hormuz ayaa ka mid ah tiirarka aasaasiga u ah laf dhabarta dhaqaalaha adduunka, waxayna cid walba ka welwelsan tahay cawaaqibka uu ku yeelan karo dhaqaalaha caalamka, haddii uu sii xirnaado.

Marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz ayaa waxaa colaaddan ka hor ka gudbi jiray boqolkiiba labaatan (20%) ee shidaalka laga ictimaalo dunida.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc