Home Wararka Caalamka Ayatollah Mojtaba Khamenei oo wacad ku maray inaanan la furi doonin Hormuz

Ayatollah Mojtaba Khamenei oo wacad ku maray inaanan la furi doonin Hormuz

by Laacib

Hoggaamiyaha cusub ee Iran, Ayatollah Mojtaba Khamenei ayaa sheegay in aan laga laaban doonin siyaasadda guud ee qaranku uu ku xiray marin biyoodka Hormuz, xilligan oo dalku uu dagaal adag kula jiro Mareykanka iyo Israel.

Farriintii ugu horreysay oo Khamiistii uu la wadaagay shacabka dalkaasi, lagana akhriyay Telefishinka Dowladda ayuu ku sheegay in Iran ay sii wadi doonto xanibaadda Marinka Hormuz, maadaama marin biyoodkan uu yahay meel ay cadowgooda ka curyaamin karaan, haddii ay aad ugu baahan yihiin shidaalka ka gudba.

Ayatollah Mojtaba Khamenei oo 8-dii bishan lagu dhawaaqay in loo doortay inuu noqdo Hoggaamiyaha ugu sarreya ee dalka ayaa bayaankiisa ku sheegay in ay u aargudi doonaan dadka reer Iran ee ku dhintay weerarada Mareykanka iyo Israel, isagoo dhanka kalena sheegay inaanan la joojin doonin duqaymaha ka dhanka ah bartilmaameedyada Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Hoggaamiyaha ayaa bayaanka ku sheegay in la garaaci doono dhammaan Saldhigyada Militariga ee gobolka, isagoona Hoggaamyeyaasha Khaliijka ugu baaqay inay joojiyaan martigelinta Saldhigyada Mareykanka.

“Iran waxay sii wadi doonaan beegsiga Saldhigyada Mareykanka ee gobolka.” Ayuu yiri Ayatollah Mojtaba Khamenei, isaga oo xusay in Iran ay siyaasad saaxiibtinimo la lahayd dalalka jaarka, waxaana uu ku booriyay in ay eryaan Mareykanka, si aanay saaxiibtinimadooda u xumaan.

“Waxaan la wadaagnaa xuduud dhul ama xuduud badeed 15 dal oo deris ah, waxaana mar walba raadineynay xiriir diiran oo wax ku ool ah dhammaantood.” Ayuu yiri Ayatollah Mojtaba Khamenei.

Hoggaamiyaha Iran ayaa bayaanka ku sheegay “Wadamadani waa inay caddeeyaan mowqifkooda ku wajahan gardarrada ka dhanka ah dalkeenna hooyo iyo dilaaga dadkeenna. Waxaan kula talinayaa inay xiraan xarumahaasi, sida ugu dhakhsaha badan.”

Hoggaamiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in aysan jawaab la’aan noqon doonin dilka uu cadowga u gaysanayo carruurta Iran, sida dembiyada ula kaca ah ee ka dhacay Dugsiga Hoose Gabdhaha ee Magaalada Minab ee Gobolka Hormozgan, halkaas oo maalintii 1aad ee dagaalka lagu dilay ugu yaraan 175 qof oo carruur u badan.

Weerarkan oo bilowgii lagu eedeeyay inay Israel gaysatay ayaa waxaa dib ka soo baxaya inay gaysteen diyaaradaha dagaalka Mareykanka. Warbaahinta caalamiga ah ayaa tebineysa in baareyaasha Mareykanka ay rumeysan yihiin in militarigooda ay si khaldan u garaaceen dhismaha iskuulkaas.

Warka Ayatollah Mojtaba Khamenei ayaa calaamad u ah in Iran aysan ogolaan doonin in wax shidaal ahi ay cadowgeeda dibadda ka dhoofsadaan Bariga Dhexe, illaa iyo inta gardarrada lagu hayo dalkaasi.

Tehran ayaa la arki karaa in uu ku talagalkeedu yahay in Ciidamada Qalabka Sida ee Iran ay sii wadaan weerarada lagu burburinayo kaabeyaasha tamarta gobolka, si ay Madaxda Khaliijka ay uga horyimaadeen in Mareykanku uu dhulkooda u adeegsado weerarada uu ka gaysanayo gudaha Iran.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc