Home Wararka Caalamka Xujooyinka horyaalla Trump iyo Hegseth, si loo furo Marinka Hormuz

Xujooyinka horyaalla Trump iyo Hegseth, si loo furo Marinka Hormuz

by Laacib

Wasiirka Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth iyo Madaxweyne Donald Trump ayaa haysto dhowr ikhtiyaar oo adag, si la isugu dayo in la furo Marinka Hormuz.

Wasiirka Difaaca Mareykanka oo ah ninka madaxda u ah hawlgalkan oo Madaxweynuhu uu gadaal ka taagan ayay tahay in ay kala doortaan qodobo dhowr ah oo miiska saaran, isla-markaana go’aaminaya masiirka Hormuz.

Tan koowaad, uguna muhiimsan waa in Iran lala galo heshiis xabad joojin ah, iyadoo dib u gurasho laga sameynayo goobta dagaalka, taasna waxay ka carreysiin doontaa Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo Trump ku khasbay in ciidamadiisa ay la weeraraan Iran, waxayse baajineysaa dhiigga Ciidamada Mareykanka, sare u kaca qiimaha caalamiga ah iyo in hoos loo dhigo gadoodka ka jira gudaha Mareykanka ee ay shacabku ku diidan yihiin dagaalkan.

Ikhtiyaarka noocan ah waxay dunida u arki doontaa fursad dahabi ah oo lagu wanaajinayo nabadda Bariga Dhexe iyo tan caalamkaba, waxayse Trump ka hor istaageysaa in uu fulo ballanqaadkiisii ahaa in aysan dagaalka joojin doonin, illaa ay guul ka gaarayaan.

Tan labaad, waa in Aqalka Cad uu aqbalo in la sii wado wada-xaajoodyada barnaamijka nuclear-ka Iran, iyadoo laga tanaasulayo in mustaqbalka la soo cusbooneysiin karo colaadda gobolka, si aan fara-gelin dambe loogu samayn gudaha Iran, taasoo ah shuruudda ugu muhiimsan Tehran ee ay miiska wada hadalka ugu soo laaban karto.

Dooqa saddexaad ee cawaaqibka ugu weyn uu ka dhalan doono, waa in Trump uu amar ku bixiyo hawlgal dhinaca dhulka ah oo Ciidamada Mareykanka ay ku gelayaan deegaanada Iran ee ku dhow dhow Hormuz, si loo sugo amniga xeebaha Iran, waana qorshe ka baxsan jadwalka hawlgalka Mareykanka iyo Israel ee hadda socdo.

Tani waxay u baahnaan doontaa in Trump uu ku sii talagalo in is bedelkan militari oo kordhin cusub ah ay ka sii carreysiin doonto shacabka Mareykanka, in militariga ay qiimo badan ku bixin doonaan iyo in Xisbigiisa Jamhuuriga uu lumin doono doorashada xilliga dhexe Mareykanka ee bisha November

Haddii Trump uu ku adkeysto in la sii wado duulaanka hawada, iyadoo laga fogaanayo dagaal dhinaca dhulka ah, si loo xaqiijiyo ujeedooyinka dagaalka ayaa waxaa iska cad in loo baahnaan doono in maraakiibta dagaalka Mareykanka ay gelbiyaan shixnadaha saliidda, sababtoo ah duqaymaha cirka oo keliya kuma filna in Iran laga hor leexiyo Hormuz.

Tallaabadan oo khatarteeda leh waxay keeni kartaa in Ciidanka Badda Mareykanka laga burburiyo tiro maraakiib ah, shirkadaha xamuulka baddana ay la kulmaan khasaare aan laga soo kaban karin, haddii aysan helin taageero maaliyadeed oo howlahooda badda lagu cayminayo.

Ciidamada Iran ayaa la aaminsan yahay inay hawlgeli karaan muddo dheer, isla-markaana ay awood u leeyihiin inay carqaladeeyaan in la hubiyo in marinka ay si nabdoon uga gudbi karaan maraakiibta booyadaha shidaalka.

Marka laga soo tago in dagaalkan uu burbur baahsan ka gaysanayo Gobolka Bariga Dhexe, haddana cabsida ugu weyn ee dunida uu ka abuuray ayaa ah welwel xoog leh oo laga muujinayo in dhaqaalaha caalamka uu dumo, maadaama shidaalku uu halbowle u yahay dhaqdhaqaaqa ganacsiga, warshadaha, isu socodka dadka iyo in ganacsigu uu isaga gudbo xuduudaha.

Trump ayaa 10-kii bishan Iran ugu yeeray in ay joojiso ficiladeeda ku wajahan Hormuz, haddii kalena uu Mareykanku ballaarin doono hawlgalkiisa ka dhanka dalkaasi.

Hoggaamiyaha cusub ee Iran, Ayatollah Mojtaba Khamenei ayaa Khamiistii wacad ku maray in uu sii xirnaan doono marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz.

Militariga Iran ayaa maalintii 2aad ee dagaalka ku dhawaaqay in uu xiran yahay Hormuz, iyaga oo ka jawaabaya duqaymaha is daba jooga ah ee uga imanaya Mareykanka iyo Israel. Iraaniyiinta ayaa siyaasadda militari ee lagu xanibay Hormuz u arka mid Mareykanka ka joojin karta weerarada gardarrada ah ee dalka uu ku hayo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc