Home Wararka Caalamka Israel oo war ka soo saartay tirada Israeliyiinta ku dhintay, kuna dhaawacmay dagaalka Iran

Israel oo war ka soo saartay tirada Israeliyiinta ku dhintay, kuna dhaawacmay dagaalka Iran

by Laacib

Israel ayaa xalay warbixin ka soo saartay tirooyinka khasaaraha ee dadka wax ku noqday weerarada hawada ee Ciidamada Iran ay kaga aargoosanayaan duqaymaha Mareykanka iyo Israel.

Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom (MDA) ayaa sheegay in shan iyo toban qof oo Israeliyiin ah ay dhinteen, tan iyo markii uu dagaalku Bariga Dhexe ka qarxay 28-kii bishii February.

Adeegga MDA ayaa sheegay in in ka badan 900 oo qof ay ku dhaawacmeen muddada ay socoto colaaddan dib uga soo cusboonaatay gobolka, iyadoo shan ka mid ah dadkaasi ay si xun u dhaawacmeen.

Adeegga ayaa sheegay in Axaddii shalay uu dhaawac fudud soo gaaray 69 qof, halka mid kalena uu soo gaaray dhaawac dhexdhexaad ah.

Wasaaradda Caafimaadka Israel ayaa iyana sheegtay in ugu yaraan 108 qof ay ku dhaawacmeen weerarada Iran, 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa la aaminsan yahay in ay qarineyso khasaaraha dhabta ah, si aan shacabka loo argagaxgelin, cadowgana aysan dhiirigelin ugu noqon.

Inkasta oo dagaalku uu cabsi ku abuuray gebi ahaanba dadka ku nool Bariga Dhexe, haddana Israeliyiinta ayaa la sheegaya in ay yihiin kuwa cabsida ugu badan la nool.

Shacabka Israel ayaa la sheegay in waqtiga ugu badan ee maalintii iyo habeenkii ay ku qaataan gabaadka dhulka hoostiisa ee gantaalada laga galo.

Dagaalka ayaa sababay in noloshii ka jirtay gudaha Israel ay istaagto, iyadoo uu dadku ka mashquulinayo in ay noloshooda sii wataan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc