Xaaladda Gobolka Bariga Dhexe ayaa weli ah mid aad u kacsan, iyadoo dagaalka ay ku lugta leeyihiin Mareykanka, Israel iyo Iran ee gobolka ka socdo uu galay maalintii 18aad.
Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay, ka gadaal markii Mareykanka iyo Israel ay 28-kii bishii February bilaabeen inay si wadajir ah u garaacaan bartilmaameedyada dalkaasi Iran.
Afhayeenka Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, General Ali Mohammad Naini ayaa sheegay in qaranku uu si wax ku ool ah isaga caabinayo duulaanka cadowga.
Ciidamada Iran ayaa qaadaya weeraro jawaab u ah duqaymaha Mareykanka iyo Israel, waxayna si maalinle ah u beegsanayaan Israel iyo dalalka Carabta oo u badan kuwa Khaliijka.
General Ali Mohammad Naini ayaa sheegay in hawlgalada Iran ee ka socdo dalalka Carabta lagu beegsanayo hantida iyo bartilmaameedyada militari ee Mareykanka.
Taliska Ilaalada Kacaanka Iran ayaa xalay soo saaray war ay ku sheegayaan in ay bartilmaameed noqon doonaan warshadaha uu Mareykanku ku leeyahay gobolka.
Warka ayaa dadka rayidka ah lagu faray in ay ka fogaadaan goobaha u dhow dhow xarumaha wax soosaarka Mareykanka, sababtu tahay waa in ay hadaf yihiin.
Dhanka kale waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed iyo burburka maaliyadeed ee dagaalku uu gaysanayo, waxayna cid kasta ka walaacsan tahay xaaladda oo u muuqato mid faraha ka sii baxeysa.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ku dhawaad 200 oo askari oo Ciidamada Mareykanka ah lagu dhaawacay toddobo dal.
Afhayeenka Taliska Dhexe ee CENTCOM, Captain Tim Hawkins ayaa xalay sheegay in ku dhawaad 200 oo askari oo Mareykan ah ay ku dhaawacmeen dagaalka Mareykanka iyo Israel ay kula jiraan Iran.
“Inta badan dhaawacyadan waxay ahaayeen kuwo fudud.” Ayuu yiri Afhayeenka oo intaasi ku daray in 180 askari ay awoodeen inay shaqada ku soo laabtaan.
Talaadadii ayay ahayd, markii Taliska CENTCOM uu sheegay in 140 askari ay kaga dhaawacmeen dagaalka ay ciidamadooda kaga jiraan Bariga Dhexe.
Tirada dhimashada ee Ciidamada Mareykanka ee la xaqiijiyay ayaa Jimcihii gaartay 13 askari, ka dib markii Khamiistii ay geeriyoodeen lix askari oo la socday diyaarad uu nooceedu ahaa KC-135 oo ku burburtay Galbeedka Ciraaq, taas oo tirada dhimashada askarta ka dhigtay 13 askari, sida uu Taliska CENTCOM ku dhawaaqay Jimcihii.
Iran ayaa sii waddo weeraradeeda aargoosiga ee jawaabta u ah duulaanka lagu hayo, iyadoo la adeegsanayo gantaalada ballaastikada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is qarxiya.
Ciidamada Iran ayaa si aan kala sooc lahayn u weeraraya Saldhigyada Militariga Mareykanka iyo Israel ee gobolka iyo goobaha kale ee qarsoon ee Ciidamada Mareykanka ay gabaadka ka dhiganayaan ee ku yaala Gacanka Khaliijka.
Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabaya in Mareykanka uu sii wadi doono hawlgalada laga wado gudaha Iran, illaa laga adkaado dowladda dalkaasi amaba ay ogolaato inay is dhiibto.