Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay in la burburin doono kaabeyaasha tamarta Iran, haddii aysan Tehran muddo 48 saac ah dib ugu furin Marinka Hormuz.
Dagaalka Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran ayaa Sabtidii galay toddobaadkiisii afaraad, iyadoona Iran ay sii waddo go’aankeeda ay marin biyoodka Hormuz uga carqaladeynayso inay maraan maraakiibta ganacsiga ee Mareykanka, Israel, Yurub iyo xulafada kale ee reer galbeedka.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa Dowladda Iran u qabtay 48 saac oo kama dambeysa ah ay ku fureyso marinka ganacsiga ee Hormuz, haddii kalena uu Mareykanku baabi’in doono warshadaha tamarta ee dalkaasi.
Trump ayaa waaberigii hore ee Axaddan warkan ku shaaciyay qoraal uu soo dhigay bartiisa barraha bulshada ee Truth Social.
Iran oo si degdeg ah uga jawaabtay hanjabaadda cusub ee Trump ayaa ka digtay in la beegsado xarumaheeda tamarta, haddii kalena ay weeraro aargoosi ah ka gaysan doonaan kaabeyaasha tamarta gobolka, biyaha iyo xarumaha teknolojiyadda ee Mareykanka iyo Israel ku leeyihiin Bariga Dhexe.
Afhayeenka Taliska Dhexe ee Ciidamada Iran (Khatam Al-Anbiya), General Ebrahim Zolfaghari ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa iska horimaadka ee goboka uu si degdeg ah isu bedeli doono iyo in awoodda Militariga Israel ee difaaca dhulka Falastiiniyiinta ay burburi doonto, haddii la weeraro kaabeyaasha tamarta Iran.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in la garaaci doono xarumaha korontada iyo kaabeyaasha kale ee Mareykanka iyo xulafadiisa ku leeyihiin gobolka.
Afhayeenka ayaa muujiyay inaysan Iran khuseyn hanjabaadda Trump ee ka dhanka ah kaabeyaasha tamarta ee dalkaasi, haddii ay Tehran ku guuldareysato in ay 48 saac gudahood ku furto marinka muhiimka ah ee Hormuz
Iran waa dal aad u weyn, isla-markaana leh kumanaan warshadadood oo koronto ah, xarunta ugu weyn iyo tan ugu yarba waxay ku kala firirsan yihiin dalka oo dhan.
Waxaa jiri doona burbur, laakiin inta uu burburku gaarsiisan yahay ayaa waxay ku xiran tahay, inta uu le’eg yahay hawlgalka uu Trump ku hanjabay.
Haddii uu bilowdo hawlgal ka dhan ah xarumaha tamarta Iran ayaa waxaan shaki ku jirin in uu keliya uga sii dari doonto xaaladda adag ee ka jirta gobolka.
Trump ayaa Iran ku cadaadinaya inay furto Hormuz, balse diidmadeeda iyo hanjabaadihiisa mararka qaar ee ficilka wata ayaa kor u sii qaadaya khatarta sii kordheysa ee Bariga Dhexe.
Xirnaanshaha Hormuz ayaa ah cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo Trump uu wajahayo, iyadoona Iran ay ka leedahay qorshe fog, si ay uga hortagto in lagaga adkaado dagaalka.