Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa ka horyimid weerarada Israel ee ka dhanka ah Lubnaan, iyadoo dunida ay ka rajo qabto in la dhameeyo colaadda Bariga Dhexe.
“Weerarada Israel ee Lubnaan waa khalad, waana in la joojiyo.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Ingiriiska oo wareysi siiyay ITV Talking Politics.
Inkasta oo sida uu sheegay aysan helin dhammaan qodobada aasaasiga u ah xabad joojinta labada toddobaad ee Mareykanka iyo Iran ay ku heshiiyeen ayuu haddana sheegay weerarada Israel inaysan ahayn inay dhacaan.
Starmer ayaa wareysiga ku sheegay in aragtiisa ay tahay in Lubnaan lagu daro xabad joojinta, taasoo ah sida uu yiri qaybta ugu muhiimsan ee habka guud ee xabad joojinta.
Militariga Israel ayaa Arbacadii kordhiyay weerarada guud ahaanba Lubnaan saacado ka dib, markii Mareykanka iyo Iran ay ku heshiiyeen xabad joojin ku-meel-gaar ah ah oo lagu raadinayo xabad joojin dhameystiran.
Ciidanka Cirka Israel ayaa shalay weeraradii ugu ballaarnaa ka fuliyay dalkaasi, xilli hoggaamiyeyaasha caalamka ay soo dhaweeyeen xabad joojinta shan iyo tobanka maalmood ee loogu gogol xaarayo in la gaaro heshiis kama dambeys ah.
Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhintay duqaymihii shalay ay gaartay 303 qof, 1,150 kalena ay ku dhaawacmeen.