Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa cambaareysay hanjaabadda Xuutiyiinta Yemen ee ku saabsan inay dhanka badda ka go’doominayaan dalkaasi.
Wasaaradda ayaa waxay beenisay eedeymaha Xuutiyiinta, ee ah in Riyadh ay xanibaad ku hayso dekedaha ku yaala Waqooyiga Yemen.
“Boqortooyadu waxay xaqiijineysaa inay sanadihii la soo dhaafay la shaqeynaysay dowladda sharciga ah ee Yemen, si loo yareeyo dhibaatada haysata shacabka Yemen, iyadoo loo marayo sii wadidda mashaariicda horumarinta, taageerada miisaaniyadda Dowladda Yemen iyo bixinta shidaalka, si loogu shaqeysiiyo xarumaha korontada.” Ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in in ka badan 300 oo markab oo siday noocyo kala duwan oo cunto ah, badeecado, shidaal iyo agabka dhismaha ay gaareen dekedaha ku yaala Waqooyiga Yemen, oo ay ku jiraan Hodeidah, Salif iyo Ras Isa, intii lagu jiray lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay taageertay dadaalada Qaramada Midoobey ee lagu doonayo in dalka lagu soo dabaalo nabad, oo ay ku jirto qorshe howleed ay aqbashay Dowladda Yemen, halka Xoogaga Xuutiyiintu ay diideen inay aqbalaan, bedelkeedana ay ku biireen colaadda ballaaran ee gobolka, iyagoo u adeegsanaya ajandayaashooda iyo ujeedooyinkooda guracan, taas oo sii kordhisay dhibaatada haysata muwaadiniinta Yemen ee ku nool deegaanada ay gacanta ku hayaan.
Wasaaraddu waxay sheegtay in boqortooyadu ay hiigsaneyso inay Yemen ka dhaliso nabad, isla-markaana soo afjarto dhibaatada haysata shacabka Yemen.
Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa sheegtay in dalku uu qaadi doono dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si loo ilaaliyo maraakiibta, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah.
Riyadh waxay ugu baaqday bulshada caalamka inay gutaan masuuliyaddooda ku aaddan hirgelinta qaraarada Golaha Ammaanka ee khuseeya arrintan, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin Qaraarka 2216 ee ku saabsan Yemen iyo Qaraarka 2722 ee xuquuqda iyo xorriyadda socdaalka maraakiibta ee Badda Cas.
Xiisadda Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii 13-kii bishan duqayn dhanka cirka ah lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Sanca, taas oo lagu hor istaagay diyaarad ay leedahay Iran oo ku sii jeedday garoonkaasi.