Home Wararka Caalamka Xoogaga Xuutiyiinta oo gubay warshadda shidaalka Sacuudiga ee Jizan

Xoogaga Xuutiyiinta oo gubay warshadda shidaalka Sacuudiga ee Jizan

by Laacib

Xuutiyiinta Yemen ayaa waaberigii saaka weeraray warshad saliidda sifeysa oo ku taala magaalada dekedda leh ee Jizan (Jazan) ee Koonfur Galbeed Sacuudiga.

Warshaddan oo ay leedahay Shirkadda Shidaalka Sacuudiga ee Aramco ayaa gubatay, ka dib weerarka ay ku qaadeen Xuutiyiinta oo loo adeegsaday gantaal nooca ballaastikada iyo drones.

Muuqaalo la soo dhigay barraha bulshada ayaa muujinaya goobta la beegsaday oo gubaneysa iyo dadaalo lagu deminayo dabka oo socda.

Muuqaalada ayaa laga arki karaa qiiq cirka isku shareeray hawada magaalada iyo xarunta sifeynta shidaalka ee Saudi Aramco ee Jazan oo dab weyn uu qabsaday.

Hay’adda Difaaca Madaniga ee Sacuudiga ayaa goor sii horreysay dadka degan Magaalooyinka Yanbu iyo Jizan u jeedisay digniino ku saabsan halis iman karta, iyadoo aan sharaxaad badan ka bixin nooca khatartaasi.

Warbaahinta gobolka oo soo xiganeysa ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegtay in dhowr qarax ay ka dhaceen magaalada, lana hakiyay duulimaadyadii ganacsiga ee ku socday magaaladaasi.

Ururka Xuutiyiinta ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka, waxayna sheegeen inay bartilmaameedsadeen goobo muhiim ah oo ku yaala magaalada saaran Badda Cas, isla-markaana ku taala xuduudda Sacuudiga iyo Yemen.

Xuutiyiinta ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in weerarka uu jawaab u yahay duqaymihii uu xalay Sacuudiga ka gaystay Dekedda Hodeidah ee Galbeedka Yemen.

Dagaalka Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen ayaa sii xoogeystay, kaas oo isku bedelay weji cusub oo ka mid ah colaadda ku sii baaheysa Gobolka Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc