Indhaha dunida ayaa waxay ku sii jeedaan Badda Cas, ka dib markii ay dib u bilowdeen, isla-markaana ay cirka isku shareereen xiisadaha Boqortooyada Sacuudiga iyo Ururka Xuutiyiinta ee ka arrimiya inta badan dhulka Yemen.
Xaaladdan cusub ayaa timid, ka dib markii Xoogaga Xuutiyiinta ay go’doomin badeed ku soo rogeen Dekedaha Sacuudiga, isla-markaana ay maraakiibta boqortooyada ka mamnuuceen inay adeegsadaan Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab El-Mandeb, iyadoona Sacuudigu uu sheegay inay qaadayaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si loo ilaaliyo maaakiibta ganacsiga.
Xiisadda labada dhinac ayaa cirka isku shareertay, ka dib duqaymihii ay diyaaradaha dagaalka Sacuudiga habeenkii Jimcaha ka gaysteen Magaalada Hodeidah iyo Jasiiradda Kamaran ee Galbeedka Yemen iyo weeraradii daba socday ee ay Xuutiyiinta Sabtidii ku qaadeen xarumaha ay Shirkadda Shidaalka Sacuudiga ee Aramco ku leedahay Magaalooyinka Jizan iyo Yanbu ee dalkaasi Sacuudiga.
Weeraradan ugu dambeeyay ayaa ka dhigan ballaaran cusub oo ku aaddan dagaalka Bariga Dhexe, iyadoo weerarada Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ay carqaladeynayaan isu socodka maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee Badda Cas iyo Bab El-Mandeb.
Xoogaga Xuutiyiinta oo saamayn togan ku leh Badda Cas iyo Marinka Bab El-Mandeb ayaa 20-kii bishan ka mamnuucay inay maraan maraakiibta Sacuudiga, taas oo Sacuudigu uu sheegay inaysan ogolaan doonin.
Xiisaddan ayaa waxaa sal u ah weerar 13-kii bishan lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Sanca, taasoo ay Xuutiyiinta ku eedeeyeen inuu gaystay Sacuudiga. Duqayntan ayaa lagu hor istaagay diyaarad ay Iran leedahay oo ka degan rabtay garoonkaasi.
Toddobaadkii xigay, taariikhdu markay ahayd 20-kii July, Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn ka dhan ah Sacuudiga, oo lagu hor istaagayo maraakiibta ku sii jeeda dekedaha dalkaasi iyo kuwa kale ee ka imanaya.
Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa Khamiistii sheegay in Ciidamada Yemen ay Arbacadii Badda Cas ku gubeen laba markab oo nooca shidaalka qaada ah, isla-markaana laga leeyahay Sacuudiga, wuxuuna sababta weerarka ku sheegay inay ku xadgudbeen cunaqabataynta badda ee ay ku soo rogeen dekedaha dalkaasi, tanina waxay keentay in Sacuudigu uu weerar xagga cirka ah ku qaado Magaalada Hodeidah iyo Jasiiradda Kamaran.
Afhayeenka Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee ka hawlgala Yemen, General Turki Al Maliki ayaa sheegay in duqaymahaasi lagu beegsaday kaabeyaasha militari ee Xuutiyiinta ku leeyihiin Hodeidah iyo Jasiiradda Kamaran, kuwaas oo uu sheegay in loo adeegsanayay in lagu khatar geliyo maraakiibta ganacsiga ee ku gooshaya Badda Cas. General Turki Al Maliki ayaa Xuutiyiinta ugu yeeray inay joojiyaan weerarada ka dhanka ah maraakiibta, haddii kalena ay kala kulmi doonaan cawaaqib daran.
Xuutiyiinta Yemen oo aan dhageysanin digniintaasi ayaa saacado ka dib garaacay warshadaha wax soosaarka tamarta ee ku yaala Jizan iyo Yanbu. General Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen ay bartilmaameedsadeen ilaha dhaqaalaha ee Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo laga jawaabayo gardarrada Riyadh, oo uu ula jeedo duqaymihii laga gaystay Hodeidah iyo Jasiiradda Kamaran.
General Yahya Saree ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Sacuudiga, illaa iyo inta uu ka joojinayo xadgudubyada ka dhanka ah muwaadiniinta Yemen iyo madaxbannaanida dalkaasi.
Lama oga tallaabooyinka xiga ee Sacuudigu uu qaadi doono, oo noqon kara jawaab adag oo militari, xoojinta difaaca shidaalka iyo taageerada Dowladda Yemen amaba in ay heshiis nabadeed la galaan Xuutiyiinta.
Khubarada dhanka militariga ayaa qaba in Sacuudigu uu noqon doono kan khasaaraha ugu weyn uu soo gaari doono, haddii uu go’aansado in dagaal buuxa lala galo Xuutiyiinta.