Isku dhacyada Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen ee dib uga soo cusboonaaday Bariga Dhexe ayaa carqaladeynaya isu socodka maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee Badda Cas iyo Bab El-Mandeb.
Xuutiyiinta Yemen oo ka ag-dhow Badda Cas iyo Marinka Bab El-Mandeb ayaa 20-kii bishan ka mamnuucay inay maraan maraakiibta Sacuudiga, laakiin marka la eego heerka khatarta ee halkaasi ka jirta ayaa waxay maraakiibta kale ee ganacsiga ku riixeysaa in ay ka fogaadaan adeegsiga Marinka Bab El-Mandeb, oo ah albaabka koonfureed ee laga galo Badda Cas.
Colaaddan ayaa xiisad aan caadi ahayn ka abuurtay Badda Cas, waxayna dhalisay walaac caalami ah oo laga qabo in uu xirmo Marinka Bab El-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Cabsida ayaa keentay inuu si weyn hoos ugu dhaco dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas iyo koror ku yimid qiimaha sahayda tamarta adduunka.
Xaaladda aadka u kacsan ee Badda Cas ayaa soo jiidatay Maamulada Shirkadaha Maraakiibta iyo kuwa kale ee Caymiska, oo si dhakhsa ah u kordhiyay qiimaha iyo kharashka halista ee lagu qaado xamuulka badda.
Dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee Marinka Bab El-Mandeb ayaa la sheegay in hadda uu si weyn isu bedbedelayo, sababo la xiriira colaadda gobolka.
Shirkadda xogta dhinaca badda ee Kpler ayaa sheegtay in Axaddii shalay ay 11 markab oo keliya ka gudbeen marinkaasi, taas oo hoos u dhac weyn ku ah heerka caadiga ah ee xilligii ka horreeyay xiisadda.
Hay’adaha la socda dhaqdhaqaaqa maraakiibta ayaa laga soo xigtay colaaddan ka hor in 72 illaa 75 markab ay maalintii marayeen Bab El-Mandeb.
Weerarka Xoogaga Xuutiyiinta ay Arbacadii ku beegsadeen laba markab oo lala xiriiriyay Dekedaha Sacuudiga ayaa la sheegay in loo arkay halis weyn oo ka taagan marinka ganacsiga caalamiga ah.
Maraakiib badan ayaa la sheegay inay ka leexdeen Bab El-Mandeb iyo Badda Cas, iyagoo maraya biyaha Qaaradda Afrika, taasna waxay dheereynaysaa waqtiga safarka badeecadaha oo qaadanaya muddo ka badan sidii hore.
Shidaalka iyo shixnadaha ganacsiga ee ka gudba Bab El-Mandeb iyo Badda Cas ayaa soo gaabiya safarka maraakiibta ee u dhaxeeya Qaaradaha Aasiya iyo Yurub, iyadoo Dekedaha Sacuudiga ee ku yaala Badda Cas ay muhiim u yihiin waddooyinka ganacsiga caalamiga ah ee Bariga Fog, Yurub iyo Waqooyiga Mareykanka.
Afhayeenka Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee ka hawlgala Yemen, General Turki Al Maliki ayaa Sabtidii sheegay inay dadaal ugu jiraan, sidii loo ilaalin lahaa xasilloonida badda iyo ganacsiga caalamiga ah, laakiin General Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta oo ka daba hadlay ayaa ka digay in tallaabo kasta oo Sacuudiga ka timaada ay u tixgelin doonaan mid aan laga fiirsan, ayna uga sii dari doonto xaaladda.
Hubanti la’aanta ka jirta Badda Cas ayaa qalqal-gelineysa dhoofinta shidaalka iyo ganacsiga isaga kala gudba qaaradaha, iyadoo markii horeba uu xirnaa marinka ugu weyn sahayda tamarta adduunka ee Hormuz, waana sababta indhaha dunida ku soo jeedineysa Badda Cas oo markan ay ku loolamayaan Sacuudiga iyo Xuutiyiinta.