Home Wararka Caalamka Xuutiyiinta Yemen oo beegsaday warshad shidaal oo ku taala Bariga Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen oo beegsaday warshad shidaal oo ku taala Bariga Sacuudiga

by Laacib

Waxaa gubaneysa warshadda shidaalka sifeysa ee ku taala Magaalada Abqaiq ee Bariga Sacuudiga, ka dib weerar ay maanta ku qaadeen Xoogaga Xuutiyiinta ee dagaalka kula jira boqortooyada dalkaasi.

Ururka Xuutiyiinta oo sheegtay masuuliyadda weerarka ayaa sheegay in diyaarado aan duuliye lahayn ay ku weerareen dhowr meelood oo xasaasi ah oo ku yaala waddada keenista iyo wareejinta saliidda ka timaada Bariga Sacuudiga ee laga dhoofiyo Dekedda Yanbu ee saaran Badda Cas.

Tallaabadan ayaa timid, iyadoo laga jawaabayo buu ururku yiri xadgudubyada ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee cadowga Sacuudiga ku sameeyeen hawada Yemen.

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay inay soo rideen diyaarado drones ah, oo sida ay sheegtay ka yimid jihada Ciraaq, isla-markaana ay adeegsadeen maleeshiyaad xiriir la leh Iran.

Wakaaladda Wararka Fars ee laga leeyahay Iran ayaa sheegtay in weeraro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo ay dab ka dhaliyeen xarunta saliidda ee Abqaiq, taas oo ay leedahay Shirkadda Shidaalka Sacuudiga ee Aramco.

Wakaaladda Wararka Fars oo soo xiganeysa Sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta Yemen ayaa ku warantay in la beegsaday xarumo lagu dejiyo saliidda ceyriin si halkaasi loogu sifeeyo, ka hor inta aan loo soo rarin Dekedda Yanbu, oo ah xarunta ugu weyn ee laga dhoofiyo tamarta Sacuudiga.

Abqaiq waa xarunta ugu weyn adduunka ee xasillinta saliidda ceyriin, iyadoo farsameysa 5-7% ee sahayda tamarta adduunka.

Xarunta Shirkadda Aramco ee Abqaiq waxay gacan ka gaysataa dhaqaalaha iyo deganaanshaha suuqyada tamarta adduunka. Is bedel kasta oo ku yimaada wax soosaarka Abqaiq ayaa si toos ah u bedeleysa qiimaha fuustada shidaalka ee suuqyada caalamka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc