Kalfadhigga 8aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho, ka dib in ka badan afar bilood oo Xildhibaanada Labada Gole ay fasax ku maqnaayeen.
Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa fasax galay 4-tii bishii March, markaas oo ay ansixiyeen wax ka bedelka iyo dhameystirka lagu sameeyay Dastuurka Jamhuuriyadda.
Fasaxan ayaa ah kiisii ugu dheeraa ee ay galaan Xildhibaanada Labada Aqal, waana xilli muddo xileedkooda sharciga ah uu dhamaaday 14-kii bishii April.
Dastuurka cusub ee Xildhibaanadu ay ansixiyeen oo buuq badan uu hareeyay, isla-markaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud saxiixay 8-dii bishii March ayaa muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah ka dhigaya shan sano, inkastoo Xildhibaanada Baarlamaanka 11aad iyo Madaxweyne Xasan Sheekh lagu doortay Dastuurkii KMG ee la bedelay, kaas oo qeexayay in muddo xileedka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka 11aad uu afar sano yahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo 15-kii bishii May ka hadlayay Muqdisho oo muddo xileedkiisu uu ku ekaa ayaa ku dhawaaqay in muddo xileedka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka uu ku egyahay 15-ka bisha May ee sanadka soo socda ee 2027.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer oo hore oo intii uu socday wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka sheegay in dhaqangelinta dastuurka cusub uu ka bilaabanayo dowladda dambe, oo aanu khuseynin dowladda hadda jirta.
Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku saabsan goorta uu bilaabanayo dhaqangelinta dastuurka cusub ee is bedelay ayaa dhaliyay doodo siyaasadeed iyo walaac ku saabsan hufnaanta nidaamka dalka.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka, Puntland iyo Jubbaland ayaa si adag uga horyimid in la bedelo Dastuurkii KMG ee la sameeyay sanadkii 2012.
Madaxweye Xasan Sheekh ayaa la filayaa in Sabtidan uu khudbad ka jeedin doono furitaanka Kalfadhigga 8aad ee Labada Aqal.
Gudoomiye 1aad Kuxigeenka ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo hadda ah Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa fadhiyada soo socda ee golaha shir guddoomin doonta, inta ay Xildhibaanada ka soo dooranayaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka, ka dib markii Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo afartii sano ee la soo dhaafay ku magacawnaa jegadaasi loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.