Home Wararka Maanta Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka jira Maxaas iyo Matabaan

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka jira Maxaas iyo Matabaan

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ay saaka dhaqdhaqaaq ka wadaan deegaanada qaar ee u dhaxeeya Magaalooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay isku diyaarinayaan weerar rogaal-celin ah, oo ay dib ugu qabsanayaan gacan ku haynta deegaanka istiraatiijiga ah ee Teedaan, kaas oo shalay ay la wareegeen maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamadu ay hadda ku sugan yihiin deegaanada Bukure, Hees iyo Coomaad, isla-markaana ay diyaargarow ugu jiraan weerar ay ku qaadaan Al Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Guutada 15aad, Qaybta 21aad ee Xoogga Dalka ay ku biireen Ciidanka Guutada 5aad ee Qaybta 27aad iyo Macawiisleyda reer Hiiraan.

Ciidamada gurmadka ah ayay wararku sheegayaan in ay ka soo ruqaansadeen Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, si ay u xoojiyaan ciidamada ka hawlgala Gobolka Hiiraan.

Xiisadda ka jirta gobolka ayaa hakisay isu socodkii dadka iyo ganacsiga ee Maxaas iyo Matabaan, iyadoo ay dadku ka cabsi qabaan inay dhacaan dagaalo cusub.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qorsheynaya in ciidamadu ay dib ugu laabtaan deegaanka Teedaan, oo muhiim u ah isu socodka Magaalooyinka Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc