Home Wararka Maanta Taliyaha Militariga oo kormeeray Dugsiga General Gordon ee Muqdisho (SAWIRRO)

Taliyaha Militariga oo kormeeray Dugsiga General Gordon ee Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud oo maanta ka soo laabtay booqasho uu Axaddii ku tegay Magaalada Baydhabo ayaa kormeeray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee General Gordon ee Magaalada Muqdisho.

Dugsiga General Gordan ayaa la sheegay in ay tababar ku qaadanayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Gaarka ee Xoogga Dalka.

“Taliyaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Gaarka ah, Sareeye Guuto Aadan Maxamed Cumar (Aadan Dheere), isagoo warbixin ka dhageystay xaaladda guud ee dugsiga iyo horumarka tababarada ka socda.” Ayaa lagu yiri war uu soo saaray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Warka ayaa lagu sheegay in kormeerka ay ujeeddadiisu ahayd qiimeynta tayada tababarka, dardargelinta iyo dhiirigelinta askarta.

“Kormeerka ayaa ujeeddadiisu ahayd qiimeynta tayada tababarka, dardargelinta ciidamada iyo dhiirigelinta askarta. Taliyaha ayaa ku amaanay ciidamada dadaalkooda, naf-hurnimadooda iyo sida ay uga go’an tahay difaaca dalka.” Ayaa lagu yiri warka.

Ciidamada ayaa intii uu Taliyuhu ku guda jiray kormeerkiisa, xerada ku soo bandhigay dhoolatus ay ku muujinayaan heerka tababarkooda, oo ah sida loogu carbiyay difaaca qaranka.

Warka ayaa lagu xusay in dhanka kale uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka la kulmay saraakiisha iyo macalimiinta bixiya tababarada kala duwan, isla-markaana uu bogaadiyay doorkooda ku aaddan tayaynta ciidamada.

Xeradan ayaa wadata magaca General Maxamed Ibraahim Faarax (Gordon), oo ahaa Sarkaal caan ka ahaa Militariga Somaliya, kaas oo 29-kii bishii October ee sanadkii 2012 ku dhintay weerar qorsheysan oo maleeshiyada Al Shabaab ay ka gaysteen deegaanka Buufow ee duleedka Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Kormeerka General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Militariga Somaliya ee xerada ayaa ku soo aadaya, xilli ay hawlgalo ka socdaan gobolada dalka qaarkood.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc