Home Wararka Maanta Puntland oo ka hadashay dagaalka culus ee ka dhacay Gaalkacyo

Puntland oo ka hadashay dagaalka culus ee ka dhacay Gaalkacyo

by Laacib

Puntland ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ciidamadeeda ay maanta hawlgal ka fuliyeen Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kaas oo ay sheegtay in lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubeysan, oo ay ku eedeysay inay khatar ku ahaayeen amniga.

“Ciidanka Amniga Puntland ayaa maanta hawlgal amni ka fuliyay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubeysan oo khatar ku ahaa amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta dalka.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay “Hawlgalka ayaa qayb ka ah dadaalada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo sarreynta sharciga, ilaalinta shacabka iyo ciribtirka kooxaha hubeysan ee isku daya inay wax u dhimaan nabadda iyo amniga. Hawlgalku weli wuu socdaa, waxaana loo fulinayaa si waafaqsan sharciga iyo habraacyada ciidamada amniga.”

Puntland ayaa waxay sheegtay in tallaabooyin adag oo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falal ka dhan ah amniga iyo kala dambaynta, isla-markaana aan loo dulqaadan doonin koox ama shakhsi kasta oo u adeegaya cadowga Puntland.

“Ciidanka Amniga Puntland waxay caddeynayaan in tallaabooyin adag oo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falal ka dhan ah amniga iyo kala dambeynta. Dowladda Puntland waxaa ka go’an in aan marnaba loo dulqaadan doonin koox ama shakhsi kasta oo u adeegaya cadowga Puntland ama halis gelinaya amniga iyo xasilloonida dalka.” Ayaa lagu yiri warka.

Dhanka kale wararka ka imanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland, gaar ahaan Daraawiishta iyo kuwa PMPF ay la wareegeen xerada ay Ciidanka PSF ku lahaayeen bariga magaaladaasi.

Ciidanka PSF oo Dowladda Federaalka ay taageerto ayay wararku sheegayaan in ay isaga baxeen xeradaasi, ka dib dagaalkii ay saaka magaalada kula galeen Ciidamada Puntland.

Dagaalka Gaalkacyo ayaa sii kordhiyay xiisaddii siyaasadeed ee horey uga dhexeysay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc