Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Jabuuti

by Laacib

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Jabuuti, General Zakariye Sheekh Ibraahim iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho.

“Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa Muqdisho u yimid ka qaybgalka Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka ka qaybta ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Somaliya (AUSSOM), kaasi oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga, isku-dubaridka hawlgalada iyo dardargelinta dadaalada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Somaliya.” Ayay ku warantay Warbaahinta Dowladda.

Warbaahinta ayaa sheegtay “Kulanka Madaxweynaha iyo Taliyaha Ciidanka Jabuuti ayaa lagu adkeeyay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Somaliya iyo Jabuuti, iyada oo Madaxweynaha uu uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jabuuti doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan taageerada amniga, la dagaalanka argagixisada iyo dib-u-dhiska hay’adaha amniga Somaliya.”

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxay ka mid tahay dalalka Afrika ee ciidamada ku yaboohay Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya oo horey loogu yaqaanay (AMISOM/ATMIS), haddana lagu magacaabo AUSSOM.

Illaa kun askari oo Militariga Jabuuti ah ayaa ka hawlgala Magaalooyinka Beledweyne, Buuloburde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxayna sidoo kale degan yihiin agagaarka Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, iyagoo gacan ka gaysta amniga garoonkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc