Home Wararka Maanta Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Hodan oo lagu xiray Muqdisho

Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Hodan oo lagu xiray Muqdisho

by Laacib

Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Hodan, Maxamed Cabdiqaadir Maxamuud ayaa lagu xiray Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiye Kuxigeenka looga yeeray Xarunta Hay’adda Dembi Baarista (CID) ee Muqdisho, ka dibna loo sheegay in uu xarig yahay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in loo haysto eedeymo la xiriira wax is daba marin iyo lacago laga lunsaday ganacsato, iyadoo faah-faahin intaasi ka baxsan aan laga ogayn kiiskiisa.

Gudoomiyaha Degmada Hodan, Cali Axmed Faarax (Cali Fahle) ayaa iska fogeeyay eedeymo ku aaddan in uu isagu ka masuul yahay xarigga Kuxigeenkiisa.

“Waxaan baraha bulshada ku arkay dad sheegaya in Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Hodan uu u xiran yahay aniga, oo ah Gudoomiyaha Degmada Hodan ama arrimo la xiriira maamulka degmada. Waxaan caddeynayaa in uusan aniga ii xirneyn, sidoo kalena arrimaha Maamulka Degmada Hodan looma xirin.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Hodan.

Gudoomiyaha ayaa galabta bartiisa Facebook ku daabacay “Cidda ama hay’adda uu u xiran yahay wax xog ah kama hayo. Arrimaha sharciga waxaa iska leh hay’adaha cadaaladda ee ay khusayso.”

Maxamed Cabdiqaadir Maxamuud, Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Hodan ayaa xilka la wareegay 15-kii bishii September ee sanadkii 2025, markaas oo uu bedelay Cabdixamiid Cabdikariin Xuseen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc