Home Wararka Maanta Ciidamada oo qaaday weerar ay dib ugu qabsanayaan deegaanka Geelgub

Ciidamada oo qaaday weerar ay dib ugu qabsanayaan deegaanka Geelgub

by Laacib

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka ayaa maalintii 2aad weerar ku haya maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan deegaanka Geelgub oo hoostaga Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Kumaandooska Gorgor ayaa waxay u muuqdaan kuwo isku dayaya in ay si buuxda u soo afjaraan joogitaanka maleeshiyadaasi ee deegaanka Geelgub, iyagoo gacan ka helaya Ciidanka Guutada 3aad, Qaybta 12-ka April ee Xoogga Dalka.

Taliyaha Guutada 18aad, Qaybta 1aad ee Kumaandooska Gorgor, Korneyl Aadan Maxamed Faarax oo hawlgalka hoggaaminaya ayaa laga soo xigtay in uu socdo guluf lagu xoreynayo deegaankaasi.

Qoraal ka soo baxay Taliska Guutada 18aad ee Gorgor ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay la wareegeen saldhigyo muhiim ah oo Al Shabaab ku lahayd deegaanka.

“Hawlgalka burburinta ee ka socda Shabellaha Dhexe ayaa qayb ka ah dadaalada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku doonayaan in dalka looga ciribtiro kooxaha Khawaarijta, looguna soo celiyo shacabka nabad, amni iyo maamul dowladeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Shabaabka ayaa Geelgub qabsaday bishii March ee sanadkii 2025, waana intii ay socdeen weeraradii ay bishii February ka bilaabeen bariga Gobolka Shabellaha Dhexe ee socday illaa bishii April ee sanadkaasi.

Shabaabka ayaa xilligaasi si aan horey loo arag isugu soo fidiyay dhulkii xorta ahaa ee bariga gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc