Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)

by Laacib

General Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka iyo wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa Sabtidan gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga Taliyaha Ciidanka Dhulka oo ka ambabaxay Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ku soo dhaweeyay xubno uu ka mid yahay Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Isaaq Aadan Berdaale.

“Booqashada Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa qayb ka ah kormeero shaqo iyo dardargelinta howlaha ciidanka ee ka socda deegaanada Koonfur Galbeed.” Ayaa lagu yiri war uu soo saaray Taliska Qaybta 60aad ee fadhigiisu yahay Baydhabo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Dhulka uu agab ciidan geeyay Baydhabo, isla-markaana loogu talagalay Ciidamada Qalabka Sida ee ka hawlgala magaaladaasi iyo nawaaxigeeda.

Dhanka kale ciidamo cusub oo lagu diyaariyay Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in loo daabulo Baydhabo, si ay xoojin ugu noqdaan ciidamadii ay horey dowladdu u gaysay magaaladaasi.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa isku-dubaridaya hawlgal cusub oo ciidamada ay khatarta amni uga fogeynayaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Maamulka cusub ee Koonfur Galbeed ee Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu hoggaamiyo ayaa waxaa culeys amni ku haya ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ee ku sugan daafaha magaalada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc