Home Wararka Maanta Abaabul ciidan oo laga wado Xerada Militariga Xananbuure (SAWIRRO)

Abaabul ciidan oo laga wado Xerada Militariga Xananbuure (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Cabdi Daahir (Maxamed Dhagaweyne) ayaa galabta booqday Xerada Militariga Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo uu kula kulmay cutub ciidan oo loo diyaarinayo inay ka qayb qaataan guluf militari oo laga bilaabayo Galmudug.

Taliska Qaybta 21aad ayaa qoraal ku sheegay in guluf militari la filayo in dhawaan laga bilaabo deegaanada Galmudug.

Saraakiisha Qaybta 21aad ee taliskoodu yahay Magaalada Dhuusamareeb ayaa kuu sheegaya in ciidamadu ay dhawaan hawlgal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab ka samayn doonaan deegaanada ay maleeshiyadu kaga sugan tahay Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

“Taliyaha ayaa xerada u tegay dhiirigelinta ciidamada iyo u kuurgelidda diyaargarowga ka socda.” Ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Qaybta 21aad oo aan la hadalnay, kaasoo diiday in magaciisa la adeegsado.

Sarkaalkan ayaa ku waramaya in ciidamada loo diyaarinayo in ay ka qayb qaataan hawlgal cusub oo lagu la dagaalamayo kooxaha argagixisada.

Saraakiisha Qaybta 21aad ayaa ka gaabsanaya inay sheegaan deegaanada loo socdo in laga saaro amaba laga difaaco Shabaab, waxayse tani ku soo aadeysa, xilli Shabaabku ay maalmihii u dambeeyay soo buuxiyeen deegaanada hoostaga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka ee horey loo abaabulay, kuna sugan magaalada ayaa heegan la geliyay, si ay uga hortaggaan weerar ay Shabaabku ku soo qaadi karaan Xarardheere oo laga saaray 16-kii bishii January ee sanadkii 2023.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa looga diyaargaroobayaa doorashada ku celiska ah ee 30-ka bishan laga qabanayo Gobolada Dhexe, taas oo sidoo kale keeneysa in la bilaabo dadaalo lagu adkeynayo amniga magaalooyinka iyo deegaanada ay doorashadu ka dhaceyso, si ay ugu qabsoomto jewi nabdoon.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc