Home Wararka Maanta Trump oo muddo ka dib Safiir u soo magacaabay Somaliya

Trump oo muddo ka dib Safiir u soo magacaabay Somaliya

by Laacib

Madaxweyne Donald Trump ayaa Danjire Devin Kennington u magacaabay inuu noqdo Safiika xiga Mareykanka ee Somaliya.

Magacaabista Safiirka cusub ayaa ka dhigan in Madaxweynaha Mareykanka uu buuxiyay boos diblomaasiyadeed oo bannaanaa, tan iyo bishii December ee sanadkii 2025.

Safiirka cusub ayaa noqonaya Safiirkii ugu horreyay ee rasmi ee Washington u joogi doona Muqdisho, tan iyo markii Richard H. Riley uu ka tegay shaqada, ka gadaal markii Maamulka Trump uu daba-yaaqadii sanadkii hore ku wargeliyay in uu dalka ku soo laabto.

Justin Davis, oo ah Safiir Kuxigeenka Mareykanka ee Somaliya ayaa muddadaasi dalka uga shaqeynayay Kusimaha Safiirka Mareykanka.

Mareykanka ayaa Somaliya ka taageera dhinacyo dhowr ah oo muhiim u ah soo kabashada iyo xasilloonida dalka sida amniga, la dagaalanka argagixisada, bani’aadantinimada iyo tababarka Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ciidamada cusub ee Danab ku tababara Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Gaashaanle Xasan Tuure (Ex Ballidoogle) ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona Mareykanku uu qalabeeyo ciidamadaasi.

Magacaabista Devin Kennington ayaa ku soo aadeysa, xilli xasaasi ah oo weli aan heshiis kama dambeys ah laga gaarin nooca doorasho ee laga qabanayo dalka.

Mareykanka ayaa waxa uu ka mid yahay deeqbixiyeyaasha ugu weyn ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kala shaqeeya xoojinta dowladnimada, dimoqraadiyadda iyo fududeynta hannaanka doorashooyinka iyo wadatashiyada siyaasadeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc